27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

IGAD oo soo jeedisay in 3 qodob oo 2 ay yihiin halis lagu xaliyo khilaafka DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiradda arrimaha Dibadda urur Goboleedka IGAD oo shir gaar ah ku dhinac qabsaday xiligii shirkii NEW DEAL-ka ee lagu qabtay caasimada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa 3 qodob usoo jeediyey madaxda Soomaalida inay ku xaliyaan khilaafkooda saddex qodob oo kala horeeya oo loo fulinayo sida ay u kala horeeyaan.

1 – In Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raysul wasaare Cabdiweli iyo kooxaha kala taageersan wada fadhiistaan oo heshiiyaan (RECONCILIATION BETWEEN PARTIES) haddii ay suuragal tahay oo ay dib u wada shaqeyn karayaan, haddii taasi suurageli waysana waxay ku taliyeen.

2 – In Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka wada hadlaan (NEGOTIATED EXIT) oo ah sidii Raysul wasaaraha isku casili lahaa, qodobkaan oo ay sheegeen hadduu suuragal noqon waayo ay ku taliyeen.

3 – In Baarlamaanka lagu kala baxo (PARLIEMENT MOTION) oo mooshinka kalsoonida loogala noqonayo Xukuumadda Raysul wasaare Cabdiweli cod loo qaado, halkaasna lagu soo gabagabeeyo khilaafka xargaha goostay ee ka dhex aloosan madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha.

Go’aanaddaan kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaa u muuqanaya go’aano dhexdhexaad ah oo ah taladii saxda aheyd ee ku haboneyd in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha.

Xubno ka mid ah baarlamaanka oo taageersan Raysul wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadu heshay qoraal ay u direen wasiirka Arrimahha Dibadda Itoobiya H.E Dr Tedros Adhanom oo ay kaga cabanayaan labo qodob oo kamid ah 3-da qodob oo kala horeeya oo IGAD Soo jeedisay in lagu dhameeyo qilaafka madaxda Soomaalida.

Qodobada xildhibaanada taageersan Raysul wasaaraha diidan yihiin ayaa kala ah in laga wada hadlo sidii R/W Cabdiweli isku casili lahaa haddii taasi suugal noqon waysana in Baarlamaanka iyo cod lagu kala baxo.

Xildhibaanada Taageersan Cabdiweli ayaa soo jeedinaya oo IGAD ka codsanaya in qilaafka lagu xaliyo wada hadal oo Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha la heshiisiiyo, arintaan heshiiska ah ayaa ka imaan karta kaliya labada masuul oo qilaafku u dhaxeeyo.

Wakiilka UNSOM Somalia iyo qaar kamid ah wadamada beesha caalamka oo horey usoo jeediyey in Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha heshiiyaan ayaa go’aankoodaas ka laabtay hadda iyaga oo soo jeedinaya in Baarlamaanka lagu kala baxo oo haddii Xukuumada Cabdiweli kalsoonida lagala laabto uu Madaxweyne Xasan Sheikh mudo aan ka badneyn 15 cisho kusoo magacaabo Raysul wasaare cusub, kadibna si degdeg ah loo dhiso xukuumad tayo leh oo shaqeysa ilaa sanadka 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hor kufay shacabka Soomaaliya kadib markii 3 jeer guddoonka baarlamaanka ku fashilmay socodsiinta mooshin si sharci ah guddoonku uga qabtay qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka iyo guud ahaan habsami u socodka hawlaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh ayaa hadda bilaabay inuu R/W Cabdiweli Sheilh iyo xubnaha Baarlamaanka ee taageersan kala hadlo sidii loo heli lahaa qodobka Labaad ee IGAD ku talisay ee ahaa in laga wada hado sidii R/W Cabdiweli isku casili lahaa (NEGOTIATED EXIT ).

Qodobkaan ah in R/W Cabdiweli is casilo ayaa la sheegayaa inta laga wada hadlayo inay suuragal tahay in kulamada Baarlamaanka dib loo dhigo ilamaa laga quusto in R/W Cabdiweli is casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News