26.8 C
Mogadishu
Saturday, March 28, 2026

Iiraan oo cawaaqib adag uga jawaabi doonta shirqool ay maleegayaan Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Iiraan ayaa aaminsan in Imaaraadka Carabta uu door muuqda ka ciyaarayo dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil kula jiraan dalkaas, isla markaana ay digniin adag u dirtay Abu Dhabi in duullaan dhulka ah oo lagu qaado Iiraan uu keeni karo weerarro ballaaran oo lagu beegsado hantida dawladda Imaaraadka.

Sida ay Middle East Eye u sheegeen laba sarkaal oo sare oo Iiraani ah, hoggaanka Tehran ayaa rumeysan in Imaaraadku aanu kaliya martigelin saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka, balse uu sidoo kale si toos ah uu kaalin uga geystay hawlgallada militari ee ka socda gobolka.

Warbixintu waxay sheegtay in, muddo bil ah kadib markii dagaalku billowday isla markaana uu gilgilay suuqyada caalamka, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo in ciidamo dhulka ah loo adeegsado qabsashada jasiirado istiraatiiji ah oo ku yaalla Marinka Hormuz, si looga hortago in Iiraan carqaladeyso sahayda tamarta adduunka.

Indhaha ayaa si gaar ah loogu hayaa jasiiradda Kharg, oo ah xarunta ay maraan ku dhowaad 90 boqolkiiba dhoofinta shidaalka Iiraan, iyo jasiiradda Qashm oo ka kor-jeedda marinka Hormuz.

Hawlgal noocaas ah ayaa la filayaa in laga soo qaado saldhigyada Maraykanka ee dalalka Carabta Khaliijka, kuwaas oo horeba bartilmaameed ugu noqday weerarro Iiraan ku sheegtay inay uga aargudaneyso duqeymaha Maraykanka iyo Israa’iil ee lagu qaaday dalkeeda, kuwaas oo la sheegay inay dileen ugu yaraan 1,900 oo qof.

Dareenka ka dhanka ah Iiraan ayaa sii xoogeysanayay toddobaadyadii la soo dhaafay dalalka Khaliijka, halkaas oo weerarro aargudasho ah ay ku dhaceen bartilmaameedyo kala duwan, oo ay ku jiraan kaabayaal tamareed oo muhiim ah.

Hadalka ugu kulul ayaa si gaar ah uga yimid Imaaraadka, oo saaxiib dhow la ah Israa’iil. Safiirka Imaaraadka u fadhiya Maraykanka ayaa toddobaadkan maqaal uu ku qoray wargeyska Wall Street Journal ku sheegay in xabbad-joojin keliya aysan “ku filneyn,” islamarkaana dhinacyadu ay ku riixaan “natiijo kama dambeys ah” oo wax ka qabata “dhammaan khataraha Iiraan.”

Wall Street Journal ayaa sidoo kale werisay in qaar ka mid ah dowladaha Carabta Khaliijka ay ka fiirsanayeen inay ku biiraan weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku hayaan Iiraan.

Hase yeeshee, sida uu sheegay sarkaal sare oo amni oo Iiraani ah, madaxda Tehran waxay hadda aaminsan yihiin in Imaaraadku uu si firfircoon uga qayb qaatay dagaalka tan iyo bilowgiisii.

Sarkaalkaas ayaa sheegay in hoggaanka Iiraan uu “go’aansaday inuu soo afjaro dulqaad uu toddobaadyo u muujinayay Abu Dhabi,” kadib markii uu ku qancay in doorka Imaaraadku uu ka fogaa kaliya martigelinta xarumaha ciidamada Maraykanka ee horay loogu weeraray duqeymaha jawaab-celinta ah ee Iiraan.

“Iiraan waxay rumeysan tahay in Imaaraadku uu hawlgallada ka dhanka ah Iiraan u furay qaar ka mid ah garoomadiisa iyo xarumihiisa cirka,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in Abu Dhabi ay muddo dheer u ahayd Israa’iil saldhig horumarsan oo ay danahaheeda gobolka ku maamusho.

Sarkaalka Iiraani ah ayaa sidoo kale soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay “hawlgallo marin-habaabin ah,” oo ay ku jiraan weerarro been-abuur ah oo Israa’iil ka fulisay Cumaan iyo ugu yaraan hal dal kale, si loogu ekeysiiyo kuwo ay Iiraan fulisay.

Sida uu sheegay, Tehran waxay sidoo kale qiimeyneysaa in qayb ka mid ah wada-shaqeyntaasi ay ku lug lahayd adeegsiga kaabayaal casri ah oo sirdoon iyo sirdoon macmal ah oo ku yaalla gudaha Imaaraadka, kuwaas oo lagu taageerayay ururinta xogta iyo falanqeynta bartilmaameedyada Maraykanka iyo Israa’iil, oo ay ku jiraan macluumaad ku saabsan mas’uuliyiin iyo xarumo Iiraani ah.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarro kasta oo ka dhan ah maraakiibta Iiraan, doomaha yaryar ama xeebaha dalkaas oo laga soo abaabulo dhulka Imaaraadka ay Tehran hadda u arki doonto sare u kac weyn oo dagaal, kana jawaabi doonto si adag.

Cabsi laga qabo duullaan dhow

Dhanka kale, sarkaal kale oo sare oo diblomaasiyadeed oo Iiraani ah ayaa Middle East Eye u sheegay in Tehran ay aaminsan tahay in weerar dhulka ah oo Maraykanku hoggaaminayo uu hadda aad ugu dhow yahay inuu dhaco.

Waxa uu sheegay in qiimeynno sirdoon oo ay taageerayaan xog laga helay dalalka xulafada la ah Iiraan, oo ay ku jirto Ruushka, ay sii muujinayaan suurta-galnimada in weerarkaasi laga soo qaado Imaaraadka.

Toddobaadkii hore, Trump wuxuu ku hanjabay inuu burburin doono xarumaha korontada Iiraan haddii aan dib loo furin marinka Hormuz, oo ay dagaalka ka hor mari jireen ku dhowaad 30 boqolkiiba shidaalka caalamka.

Si kastaba, wuxuu laba jeer dib u dhigay weerarka uu ballanqaaday, isaga oo sabab uga dhigay wada-hadallo lala leeyahay Iiraan oo ku saabsan heshiis lagu soo afjarayo duqeymaha isla markaana dib loogu fasaxayo qulqulka shidaalka.

Diblomaasiga Iiraani ah ayaa sheegay in Tehran aysan dib-u-dhacaas u arkin fursad diblomaasiyadeed oo dhab ah, balse ay u aragto dabool lagu diyaarinayo ciidamo dheeraad ah iyo wejigii xigay ee dagaalka.

Reuters ayaa toddobaadkan werisay in Maraykanku la filayo inuu kumannaan askari oo dheeraad ah u diro Bariga Dhexe, taasoo sii kordhineysa joogitaankiisa militari ee horeba u weynaa ee gobolka.

Markii Maraykanka iyo Israa’iil ay 18-kii Maarso duqeeyeen xarunta gaaska South Pars, oo ka mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan ee Iiraan, Tehran waxay kaga jawaabtay weerarro lagu beegsaday xarumo tamareed oo ku yaalla dalalka Khaliijka.

Gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa sidoo kale ku dhacay hoteello, garoomo diyaaradeed, xarumo xogeed, dekedo iyo safaarado ku yaalla gobolka, iyadoo dagaalku sii xoogeysanayay.

Si kastaba, diblomaasiga Iiraani ah wuxuu sheegay in Tehran ay ilaa hadda si ula kac ah uga fogaaneed inay dalalka laga soo qaaday weerarrada u aqoonsato cadow buuxa.

Sababtaas awgeed, ayuu yiri, Iiraan waxay weerarradeeda ku koobtay bartilmaameedyo ay u aragtay kuwo si toos ah ugu xiran ciidamada Maraykanka ama xarumaha sirdoon ee la shaqeeya Maraykanka iyo Israa’iil, xitaa haddii qaarkood ay ku yaalleen goobo rayid ah oo ku dhex yaalla dalal sida Imaaraadka iyo Baxreyn.

Hase yeeshee, diblomaasiga ayaa ka digay in xakameyntaasi ay isla markiiba dhammaan doonto haddii duullaan dhulka ah lagu qaado Iiraan ama mid ka mid ah jasiiradaha ay maamusho.

Wuxuu sheegay in dal kasta oo laga soo qaado weerar noocaas ah uu Iiraan si toos ah ugu aqoonsan doonto dal cadow ah.

“Markaas kadib, weerarrada Iiraan kuma ekaan doonaan xarumo militari ama sirdoon oo keliya, balse dhammaan hay’adaha dawladda iyo danaha ku xiran dowladda ayaa noqon doona bartilmaameed suurtagal ah, oo ay ku jiraan hanti ganacsi iyo mid ma-guurto ah oo dowladda Imaaraadku saamiyo ku leedahay,” ayuu yiri.

“Xeerarkii hore ma sii shaqeyn doonaan haddii uu duullaan dhaco,” ayuu intaas ku daray. “Haddii dal kasta uu ka qayb qaato qabsashada xitaa hal taako oo dhul Iiraani ah, dalkaa waxaa loola dhaqmi doonaa gardarroole.”

Sida uu sheegay diblomaasigu, fariintan ayaa mar hore loo gudbiyay dowladda Imaaraadka. 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News