26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay Trump oo mar kale u gefay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Donald Trump oo mar kale Talaadadii jeediyay hadal uu ugu gefay Soomaaliya.

Trump oo jeediyay hadallo aan isku xirnayn oo dad badan ka yaabiyey ayaa Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka la barbar dhigay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in hoggaan la’aan uu yahay, sida Soomaaliya oo kale.

“Wicitaanno ayaa iga soo gaaraya Dimoqraadiyiin doonaya inay ila kulmaan. Weligay hore uma maqal magacyadooda. Waxayna sheeganayaan inay yihiin hoggaamiyeyaal — Dimoqraadiyiintu hoggaan ma leh. Waxay i xusuusinayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Trump.

Waxaa kale oo soo hadal qaaday Ilhaan Cumar, isaga oo ku celiyay in dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay New York uu kala hadlay inuu ku celiyo Soomaaliya, balse arrintaasi uu ka diiday.

Ilhaan oo hadda soo jawaabtay ayaa Trump ku sheegtay inuu yahay cunsuri, isla markaana uu mar walba dadka u sheego been, sida ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay soo saartay.

“Maalin cusub, sheeko been ah oo isla mid ah, Donald Trump waa nin aan xishoon, cunsuri ah oo musuq-maasuq iyo been sheegid isku darsaday, waad ku mahadsan tahay dareenka arrintaan” ayay qoraalka ku tiri Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Hadalka Donald Trump oo dhaliyay falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsanaa cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanan u sheegay dhibaatada uu dalkiisu leeyahay. Waxaan ku iri, ‘Waxaad leedihiin qof Soomaali ah oo noo sheegaya sida aan dalka u maamulno, kana timid Soomaaliya.’ Waxaan weydiiyay, ‘Ma dooneysaa inaad dib u celiso?’ Wuxuu igu yiri, ‘Maya, ma doonayo!’” ayuu Trump si caraysan u yiri, isagoo hadalkiisa sii watay si aan nidaam lahayn.

Trump wuxuu ula jeeday Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, kana soo jeeda Minnesota, taas oo horey uga badbaaday weerarro iyo hanjabaado ay u jeediyeen siyaasiyiin Jamhuuri ah oo cunsuriyiin ah.

Madaxweynaha oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Si kastaba, Ku adkeysiga Trump ee ah in uusan aqoon cidda ay yihiin hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga, isla markaana aysan lahayn hoggaan dhab ah, ayaa muujinaysa sida aanu u daacad uga ahayn dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xirnaanshaha dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News