Washington (Caasimada Online) – Ilhan Omar ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump โin dayacaad dambilenimo ahโ oo uu sameeyey ay masโuul ka tahay dhimashada aabaheed, oo cudurka COVID-19 u geeriyooday.
Ilhan oo wareysi siisay taleefishinka MSNBC ayaa tiri โaabahay iyo 300,000 oo shacab ah ayaa noloshooda waayey sababtoo ah dayacaad halis ah oo dambiilenimo ah oo ay sameeyeen Trump iyo maamulkiisa.โ
โAabahay waxa aheyd inuu halkan nala joogo maanta. In badan oo ka mid ah xubnaha qoysaskeena waxay ahayd in maanta halkan nala joogaan, balse nalama joogaan sababtoo ah waxaan leenahay hogaamiyeyaal aan kala jeclen noloshooda,โ ayey tiri.
โMadaxweynaha illaa iyo maanta dhibic naxariis ah uma muujin dadkii geeriyooday. Illaa iyo hadda ma qirin khasaaraha baโan ee in badan oo naga mid ah aan dareemeynoaโ ayey hadalkiisa kusii dartay.
Ilhan Omar ayaa taageertay qoraal uu soo saaray agaasimaha aqlabiyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, Jim Clyburn oo sheegay inuu helo caddeymo muujinaya in maamulka Trump uu faro-gelin siyaasadeed ku sameeyey Xarunta Maareynta Cudurada ee CDC, taasi oo la xiriirtay cudurka COVID-19.
โWaan ku raacsanahay Clyburn. Balse waa inaan sameynaa intan ka badan. Waa in la baaraa oo la maxkamadeeyaa kuwa masโuulka ka ah dhimashooyinkan,โ ayey tiri.
Ilhan Omar aabaheed ayaa 15-kii June 2020 u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 67 sano jir ah.