Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maxkamada Sare ee dalka ahna gudoomiyaha gudigii uu kala diray madaxweynaha Soomaaliya Ceydiid Ilko Xanaf ayaa si layaable kaga jawaabay Talaabada uu qaaday Xasan Sheikh.
Ceydiid ayaa sheegay in Xasan Sheikh Marnaba uusan awood u laheyn inu ku dhaqaaqo talaabadaasi oo ah inuu kala diro golaha adeega Garsoorka Soomaaliya, sida uu sheegay kadib markii uu la hadlay VOA.
Ceydiid Ilka Xanaf, ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid aan sharci aheyn, laakiin wuxuu sheegay in talo qaldan la siiyay madaxweynaha Soomaaliya maadaama uu leeyahay la taliyayaal badan.
“Meel ay dastuurka kaga taal in gole la kala diri karo kuwaan ama gole ha ahaadeen, marka madaxweynaha waxaan leeyahay markaan talo qaldan ayaa la siiyay, ileen gole kastaa sharci lagu kala diro ayaa jiro”ayuu yiri Ilkaxanaf.
Wuxuu sheegay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka in madaxweynaha ay doonayaan iney arintaan kala hadlaan, maadaama golaha ay ka shaqeeyaan adeega garsoorka dalka.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney gacanta ku hayaan digreetada ayna sii shaqeyn doonaan maadaama sharci daro lagu kala diray, ayna sii shaqeynayaan ila laga badalo sida uu hadalka u dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]