Imaaraadka oo ballan-qaad culus u sameeyey ATMIS, kadib weerarkii Ceel Baraf

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii cuslaa ee dhowaan lagu qaaday saldhiga ciidanka Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee  deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Abu Dhabi ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi oo askar badan laga dilay.

Sidoo kale warka  wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey falalka dambiyada ah iyo rabshadaha argagixisada.

Imaaraadka ayaa intaasi, kadib ballan qaad culus u sameeyey ATMIS, wuxuuna sheegay inuu si buuxda u garab istaagi doono howlgalkan oo ah mid KMG ah.

”Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro amniga iyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri warka qoralka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Si kastaba, weerarkan ayaa noqday kii ugu xooganaa ee askar badan looga dilo howlgalka ATMIS, tan iyo markii lagu beddalay howlgalkii sanadaha soo socday ee AMISOM.