28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Imaaraatka oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Suudaan kadib diyaaradii laga soo riday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Khartoum (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka ee Suudaan ayaa Arbacadii shaacisay in Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uu diyaaradaha Suudaan ka mamnuucay inay ka soo degaan garoomadiisa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda. Tallaabadan ayaa ah calaamaddii ugu dambaysay ee muujinaysa xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada waddan.

Sidoo kale, hay’addu waxay xaqiijisay in diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay Suudaan loo diiday inay ka duusho garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi.

Hay’adda Duulista ee Suudaan ayaa sheegtay inay ka fajacday go’aankan, waxayna intaas ku dartay inay la xiriirayso shirkadaha diyaaradaha si dib loogu habeeyo tikidhada rakaabka u safraya dalka Imaaraatka iyo kuwa ka imaanaya.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan.

Go’aankan mamnuucista ah ayaa yimid kaddib markii ciidanka cirka ee Suudaan ay sheegeen inay burburiyeen diyaarad laga leeyahay Imaaraatka Carabta. Sida uu sheegay telefishanka dawladda Suudaan, diyaaradda ayaa siday calooshood-u-shaqaystayaal u dhashay dalka Colombia, waxaana la beegsaday xilli ay ku degaysay garoon ku yaal gobolka Daarfuur oo ay maamulaan Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF).

Telefishanka dawladdu wuxuu intaa ku daray in weerarkaas oo dhacay Arbacadii fiidkii lagu dilay ugu yaraan 40 qof. Garoonkan ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay duqeymo isdaba joog ah oo ay fulinayeen ciidanka Suudaan, kuwaas oo dagaal kula jiray ciidanka RSF tan iyo bishii Abriil 2023.

Il-wareed dhanka militariga ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in diyaaradda Imaaraatka “la duqeeyay oo gebi ahaanba la burburiyay” xilli ay ku sugnayd garoonka diyaaradaha ee Niyala ee gobolka Daarfuur.

Dhinaca kale, weli wax war ah kama soo bixin ciidanka RSF oo ku saabsan dhacdadan.

Wakaaladda AFP ayaa soo xigatay sarkaal Imaaraati ah oo cambaareeyay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay “kuwa been abuur ah” sheegashada Suudaan ee ah inay burburiyeen diyaaradda.

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa sheegay in dawladdiisu ay baarayso tirada muwaadiniinta Colombian-ka ah ee weerarkaas ku dhintay. “Waxaan qiimayn doonnaa suurtagalnimada soo celinta meydadkooda,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Telefishanka dawladda Suudaan ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay ka soo duushay saldhig cirka ah oo ku yaal Gacanka Carbeed, ayna siday tobanaan dagaalyahan oo ajnabi ah iyo qalab milatari oo loogu talagalay ciidanka RSF, kuwaas oo gacanta ku haya inta badan gobolka Daarfuur.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa go’aankii ay Suudaan xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dalka Imaaraatka Carabta bishii Maajo 2025. Xukuumadda Suudaan waxay ku eedaysay Imaaraatka inuu hub casri ah siiyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) si ay ugu adeegsadaan dagaalka sokeeye ee ba’an ee dalkaas ka qarxay Abriil 2023. Imaaraatku wuxuu si isdaba joog ah u beeniyay eedeymahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News