Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa habeenimadii xalay magacaabay Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka Gobolka.
Guddoomiyayaasha cusub ayaa waxaa ku jira sida aan horayba u sheegnay haweenkii ugu badnaa oo xil ka qabta degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Haweenka xilalka ka helay degmooyinka ayaa tirro ahaan gaaraya 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in 8 ka mid ah Guddoomiyeyaasha cusub ay yihiin qurbojoog, kuwaasoo heysta baasabooro ajnabi.
Sideeda Guddoomiye ee aan sheegnay ayaa badi heysta baasaboorada Britain, Mareykan iyo Holland.
6 Guddoomiye oo kamid ah Guddoomiyayaasha cusub ayaa la sheegay inay heystaan baasaboorka Britain, kuwaa oo ay saaxiibo dhow ahaayen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Taabid.
Guddoomiyayaasha heysta baasaboorada ajnabiga ah ayaa waxaa loo kala magacaabay degmooyinka Wadajir, Hodan, Yaaqshiid, Howlwadaag, C/casiis, Waaberi, Shibis iyo Xamar Jajab.
Dadka qaar ayaa is weydiinaya baahida keentay in degmooyinka Gobolka loo magacaabo 5 Haween iyo 8 Guddoomiye oo heysta dhalasho kale.
Waxaa horay u jiray Koox reer Sudan ah, waxaana iminka muuqaneysa inay bedeleen koox Qurbo Joog ah oo Yurub iyo America ka timid.
Dowlada uu hogaamiyo Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa xilalka ugu badan ka haya dhalinyaro heysata baasabooro reer galbeed ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]