25.6 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Sawirro: Imisa musharax ayaa ilaa iyo hadda is diiwaan geliyay? (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kordhay tirada Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee iska diiwaan geliyay magaalada Muqdisho.

Musharixiinta maanta isdiiwaan gelisay ayaa wali waxaa ka maqan musharixiin si weyn loo hadal hayo sanadkaan.

Tirada Musharixiinta isdiiwaan gelisay ilaa iyo hadda ayaa ka yar tirada la filayay balse waxaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta ilaa beri inay isdiiwaan geliyaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaya ayaa sheegay in waqtiga loo qabtay doorashada aysan marnaba dib uga dhici doonon.

Ilaa iyo inka badan 10 musharax ayaa ilaa iyo hadda is diiwaan geliyay kuwaasi oo buuxiyay sharuudaha laga doonayay oo ay ugu horey inay bixiyaan min 30 kun oo doolar.

Musharixii ugu horeeyay ee isdiiwaan geliyay ayaa wuxuu ahaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxaana ku xigay Cosoble, Cumar C/rashiid Cali.

Waxaa maanta is-diiwaan geliyey musharaxiin ay ka mid yihiin Danjire Maxamed Cali Ameerki, Farmaaho, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Faroole.

Danjire Ameeriko ayaa ka mid ah musharaxiinta sida aadka ah isha loogu hayo, ee la filayo in doorashada ay kusoo baxaan.

Waxa uu maalmahan Muqdisho ka waday olole xooggan, waxaana jira warar sheegaya inuu kasbaday xildhibaano badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News