Muqdisho (Caasmada Online) – Iyadoo inta badan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha shaaciyeen in Dowladaha deriska ay faragalin ku hayaan Somalia ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay General Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cadde”.
Indha Cadde, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in Dowlada Somalia ay raali ku noqoto inay la shaqeyso Dowlad kale oo aan raali ka aheyn horumarka Somalia.
Indha Cadde, waxa uu sheegay in arrin jirta ay tahay in Dowladaha deriska la’ah Somalia ay faragalin ku hayaan umuuraha Somalia, waxa uuna cadeeyay in faragalintaasi ay tahay mid muuqata oo aan qarsoomeynin.
”Waa arrin nagu cusub in Dowlad Soomaaliyeed ay la shaqeyso Dowlad cadow ku ah danaha Somalia, waxaan ka digayaa in lagu sii dhiirado faragalinta ay Dowladaha deriska ah ku hayaan Somalia”
Indha Cadde, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wali yihiin kuwo nool oo aan dhiman, sidaa darteedna aysan ka raali noqon doonin faragalin lagu sameeyo arrimaha Somalia.
Indha Cadde waxa uu sheegay in Somalia ay ku jirto xili kala guur ah, isla markaana uu ka dhowr sugaayo talaabada ay qaadi doonaan Xildhibaanada si loo badbaadiyo dalka.
Haddalka Indha Cadde ayaa imaanaya xili Dowladaha deriska la’ah Somalia ay si toos ah u faragalinayaan Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaalaha Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

