Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa dil ugu geystay magaalada Muqdisho nin Injineer ah iyo askari ilaalo u ahaa, kuwaasi oo sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Ninka Injineerka oo aan wali la shaacin magaciisa oo seddexan ayaa la sheegay xiliga la dilayay inuu ku sugnaa inta u dhaxeyso Xaafada Carafaad io Ceymiska.
Injineerka ayaa la sheegay xiligii la dilayay inuu ku howlanaa sameynta nalalka cadceeda ku shaqeeya, iyadoo dilka dib ay goobta ka baxsadeen kooxahii dilka ka dambeeyay.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay ku hubeysnaayeen bastoolad, waxayna dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Maalintii shalay ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu dilay gabar arday aheyd oo ka qalin jibisay mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho.
Maamulka degmada Yaaqshiid ayaanan wali ka hadlin dilka degmadaasi loogu geystay injineerkaasi iyo askariga ilaalada u ahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

