Intii uu ku maqnaa salaadda ayaa xaaskiisii lagu kor gowracay sariirta + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo Jimcihii ka dhacday xaafadda Tusbaxle ee degmada Dayniile, kadib markii sariirteeda lagu gowracay haweeney lagu magacaabi jiray Qamar Yuusuf Cali.

Marxuumadda ayaa aheyd hooyo korineysay lix carruur ah, waxaana u dhacay nin ku hubeysnaa mindi oo ku dhex-gowracay gurigeeda, xilli ay hurdeysay.

Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu u dhacay guriga, xilli uu Salaadda Subax u baxay seyga marxuumadda oo guriga kor uga xiray, waxaana kadib soo daba maray ninka mindida watay oo la sheegay inuu ahaa tuug, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Aweys Yuusuf Cali oo la dhashay marxuumadda ayaa sheegay illaa saddex mindi ah lagu dhuftay walaashiis, ayna u dhimatay dhaawac markii hore ka soo gaaray tooreyda.

“Ninkeedii ayaa xalay la joogay guriga ayuu kor ka xiray Salaad ayuu aaday intii uu Salaadda ku maqnaa ayaa la soo jabiyey guriga, ninaa soo jabiyey guriga ayuuna galay, kadib saddex toorey ayuu ku dhuftay marxuumadda,” ayuu yiri Aweys Yuusuf Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninka uu baxsaday, markii ay ku soo kaceen carruurta guriga joogtay, ayada oo haatan uu socdo baaritaanno ay wadaan laamaha amniga.

“Illaa iyo hadda lama xaqiijin karo, laakiin qaab tuug waayey, baaritaan ayaana hadda ku jirnaa,” ayuu sii raaciyey.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayey dilalka arxan darrada ah ee loo adeegsanayo tooreeyada, waxaana ugu dambeeyey dilkii Hibo Qaasim Maxamed oo todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, xilli ay ku baastay imtixaankii dugsiyada sare ee ay qaaday dowladda Somalia.