27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Daawo: Iran oo weerar culus ku jawaabtay iyo gantaallo ku hoobanaya Tel Avivi

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Iran ayaa sheegtay in weerar boqollaal gantaal oo riddada dheer ah ku qaaday gudaha Israa’iil, si ay uga jawaabto weerarro ballaaran oo Israa’iil Jimcihii ku qaaday xarumo nukliyeer oo ku yaalla Tehran.

Qaraxyo ayaa laga maqlay Tel Aviv iyo Jerusalem fiidnimadii Jimcaha, iyadoo digniinaha weerarka cirka ay ka yeereen guud ahaan Israel. Tani waxay daba socotaa weerar aan hore loo arag oo Israa’iil ay waaberigii Jimce ku bartilmaameedsatay xarumo nukliyeer, saraakiil ciidan oo sare, iyo saynisyahanno Iranian ah.

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay “bilowday dagaal,” wuxuuna sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo weerarro “dhuumaaleysi ah” oo aan laga jawaabin.

“Maamulka Sahayuuniga [Isra’iil] kama badbaadi doono cawaaqibka dambiyadiisa. Shacabka Iran waa in loo xaqiijiyaa in jawaabteennu aysan noqon doonin mid nus-qiyaas ah,” ayuu yiri Khamenei, war-saxaafadeed uu soo saaray.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in Iran ay “fulisay jawaab xooggan oo sugan oo lagu beegsaday tobannaan bartilmaameed oo ah xarumo ciidan iyo saldhigyo diyaaradeed” gudaha Israa’iil, iyadoo amarka weerarka uu siiyay hoggaamiyaha sare, Khamenei.

Saddex marxaladood oo weerarro ah ayaa lagu qaaday Israa’iil fiidnimadii Jimcaha, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Ugu yaraan hal gantaal ayaa ku dhacay bartamaha Tel Aviv, sida uu weriyay Nour Odeh, wariye ka tirsan Al Jazeera oo ka waramay magaalada Amman ee Urdun. Si kastaba muuqaallo lagu baahiyey twitter ayaa muujiyey gantaallo ku hoobanaya Tel Aviv.

Hase yeeshee, militariga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ridey wax ka yar 100 gantaal, kuwaas oo intooda badan la soo riday ama ay dhulka ku dhaceen iyadoo aan gaarin bartilmaameedkooda.

Wakaaladda Reuters, oo soo xiganeysa laba sarkaal oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in ciidanka Mareykanka ay gacan ka geysteen difaaca Israa’iil, iyagoo soo riday qaar ka mid ah gantaalladii Iran ka socday.

Intii weerarku socday, dhismo dabaq ah oo casri ah ayaa waxaa ku dhacay gantaal gudaha Tel Aviv, waxaana muuqaal toos ah oo laga baahiyay goobta lagu arkayay guryo gubanaya iyo qiiq ka baxaya dhismaha.

Dhismo kale oo la deris ah ayaa sidoo kale la sheegay inuu si weyn u burburay, iyadoo daaqadaha ay qarxeen isla markaana biraha qaab-dhismeedka dhismaha ay bannaanka uga lusan yihiin.

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay sheegtay hay’adda ambalaasta Israa’iil. Laba qof oo si daran u dhaawacmay ayaa ku xayiran dhismo ku yaalla agagaarka Tel Aviv.

Militariga Israa’iil ayaa shacabka u sheegay in ay hadda ka bixi karaan “goobaha difaaca” kaddib markii horey loogu digay in laga fogaado meelaha fagaareyaasha ah sababo la xiriira weerar suurtagal ah oo Iran iman kara.

‘Albaabada naarta ayaa furmaya’

Weerarradii Israa’iil ay Jimcihii ku qaaday Iran ayaa lagu dilay saraakiil sare iyo saynisyahanno muhiim ah, oo ay ka mid yihiin taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Sareeye Guud Mohammed Bagheri, iyo madaxa IRGC, Hossein Salami.

Si degdeg ah ayaa Sareeye Guud Mohammed Pakpour loogu beddelay xilkii Salami.

Pakpour, oo warqad uu u diray Khamenei laga akhriyay telefishinka dowladda, ayaa ballan qaaday in “albaabada naarta loo furi doono nidaamka ilma-dilaha ah,” isaga oo ula jeeda Israa’iil.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay beegsadeen in ka badan 200 bartilmaameed gudaha Iran intii uu socday weerarka lama filaanka ah.

Kahor inta aysan bilaaban weerarrada ay Iran uga aargudaneysay, afhayeenka militariga Israa’iil, Sareeye Guuto Effie Defrin, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay “sii wadaan duqeymaha.”

“Iran waxay awood u leedahay in ay si weyn u waxyeleyso gudaha Israa’iil,” ayuu yiri Defrin shir jaraa’id oo la jaray sababo la xiriiray weerar kusoo socday.

Defrin ayaa intaas ku daray in Israa’iil ay beegsatay xarunta nukliyeerka ee Isfahan, islamarkaana howlgalka uu weli socdo.

Hay’adda Tamarta Atomiga ee Iran ayaa sheegtay in waxyeellada xarumaha nukliyeerka ee Isfahan iyo Fordo — oo labaduba la beegsaday — ay ahayd mid kooban.

Afhayeenka hay’adda, Behrouz Kamalvandi, ayaa sheegay in: “Waxyeellada ay ku ekayd meelaha aan saameyn ku yeelan deegaanka, gaar ahaan Fordo… Isfahan waxaa sidoo kale la weeraray dhowr meelood oo bakhaarro ahaa, kuwaasoo dab qabsaday.

Wuxuu intaas ku daray in:“Waxyeelladu aysan ahayn mid baaxad leh, sidoo kalena aysan jirin cabsi dhanka wasakheynta ah.”

Kahor weerarka Iran, Israa’iil waxay sidoo kale beegsatay xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz. Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), Rafael Grossi, ayaa sheegay in weerarkaasi uu dhaawac u geystay centrifuge-yada, islamarkaana uu sababay wasakheyn raadiyooloji iyo kiimiko ah, balse lagu xakameyn karo “tallaabooyin habboon.”

Bayaankii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa lagu sheegay in la filayo “dhowr marxaladood oo weerarro Iranian ah” si ay uga jawaabaan weerarkii Israa’iil.

Intii lagu jiray weerarkii Iran fiidkii Jimcaha, Netanyahu ayaa bayaan u diray shacabka Iran, isagoo sheegay in Israa’iil ay fulisay howlgal “lagu horjoogsanayo hanjabaadda nukliyeer iyo gantaallada ridada-dheer ee nidaamka Islaamiga ah.”

“Anagoo gaarayna yoolkeenna, waxaan idiin furaynaa jid aad xorriyaddiina ku gaartaan. Nidaamku ma garanayo waxa ku dhacay iyo waxa ku dhici doona. Ma jirin abid waqti uu sidan u liito. Waa fursaddiina—istaaga, codkiinnana ha la maqlo,” ayuu yiri Netanyahu.

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News