26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Isbahaysiga Barsan oo Deni ku cadaadinaya tallaabo culus oo la xiriirta SSC-Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dalladda siyaasadeed ee Barsan, oo ay ku mideysan yihiin xildhibaanno iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobollada Bari iyo Sanaag, ayaa cadaadis siyaasadeed hor leh soo saaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Barsan ayaa madaxweyne Deni ka dalbanaya inuu si cad uga hadlo sida beelaha Puntland loogu qeybin doono 17-ka xildhibaan ee hadda magaca SSC-Khaatumo ku jooga Baarlamaanka Puntland.

Madaxda dhaqanka ee ka tirsan Barsan waxay xusuusinayaan Deni in sanadkii 2023 ay si buuxda u taageereen mowqifkii ay madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo ku diideen in xildhibaanno ay magaca SSC ku matalaan uga mid noqdaan baarlamaanka cusub, taasoo keentay in la buriyo qorshihii Saciid Deni uu ku doonayay doorasho qof iyo cod ah oo uu ku wajahay Puntland, taasoo aan taageero buuxda ka helin beelaha iyo saamileyda siyaasadeed.

Deni ayaa xilligaas u hoggaansamay baaqii madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha aragtida kala duwan ee ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka Puntland iyo hanaankii ay u dhaceen doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan marka laga reebo Garoowe iyo degmooyin kale oo gobolka Nugaal ka tirsan.

Haddase, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuna metela gobolka Bari ayaa sheegay inaysan jirin sabab sharci ah ama siyaasadeed oo 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo ay ugu sii jiri karaan Baarlamaanka Puntland, maadaama maamulka SSC uu helay aqoonsi rasmi ah oo federaal ah.

Xildhibaankan oo codsaday in magaciisa la carabaabin ayaa sidoo kale xusay in aanay suurtagal ahayn in wasiirro ka soo jeeda SSC ay sii hayaan xilal ka mid ah golaha wasiirrada Puntland.

Dalladda Barsan waxay arrintan u aragtaa fursad siyaasadeed oo lagu dhammayn karo nidaamka seddex beelood ee ku kooban qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, taasoo muddo dheer salka u ahayd cabashooyinka beelaha kale ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa lagu cadaadinayaa inuu qaado tallaabooyin muuqda oo dhanka metelaadda siyaasadeed ah si loo helo nidaam loo dhan yahay.

Beelaha aan horey u haysan matalaad siyaasadeed gudaha Puntland ayaa la filayaa inay heli doonaan kuraas iyo xilal marka la gaaro isbeddel rasmi ah oo lagu tirtiro xubinnimada 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo, taasoo suuragal ka dhigeysa dib-u-dhiska awood qeybsiga siyaasadeed ee Puntland.

Isbeddelka la filayo wuxuu noqon karaa mid saameyn weyn ku yeesha mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan marka la eego sida beelaha iyo awoodaha kala duwan ee maamulka ay ugu kala aragti duwan yihiin arrinta SSC-Khaatumo, dastuurka Puntland, iyo jihada doorashooyinka mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News