25.8 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Isbeddel cusub oo ku yimid kaarka NIRA – Waqtigee lacag laga dhigayaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay muddada diiwaan-gelinta kaarka aqoonsiga qaranka uu sii ahaanayo bilaashka.

Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in waqtiga cusub ee lagu daray inuu bilaash sii ahaado kaarka aqoonsigu uu ku egyahay 31-ka Janaayo 2026, kaddib markii waqtigii hore uu ku dhammaaday 30-kii November.

Sidoo kale waxay sheegtay in kordhinta muddadan ay ugu talo gashay in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku qaataan kaarka aqoonsiga qaranka.

Hay’addu ma sheegin inta ay la’eegtahay lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan haddii uu haleeli waayo waqtiga kooban ee ka haray muddada ay qabatay NIRA.

Kaarka aqoonsiga qaranka ayaa muhiim ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Ciddii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ugu dhawaaqay go’aanka lagu dhaqan-gelinayo kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

- Advertisement -

Read more

Local News