Is-beddelka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay wada-hadallada mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbeddel ku sameeyay wada-hadallada dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo dhowr kulan qabtay oo looga hadlayo tabashooyinka iyo xal u helidda khilaafaadka jira.

Inkastoo aan wax natiijo ah laga gaarin wada-hadalladii u dambeeyay ee labada dhinac, haddana madaxweynaha ayaa muujiyay dabacsanaan ka duwan hoggaankii ka horreeyay.

Ka hor inta aan la dooran madaxweynaha hadda talada haya, waxay dowladdii xilligaasi jirtay ee Farmaajo albaabada ka xiratay mucaaradka, oo Xasan Sheekh uu qeyb ka ahaa.

Mucaaradka ayaa markaas wajahay caqabado ay ku hor gudubtay dowladdii xiligaas, taas oo keentay in xiisadda siyaasadeed ay ka sii darto, iyadoo sababtay in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu ka dhaco gacan ka hadal u dhaxeeyay labada dhinac.

Arrimahaas ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay casharro muhiim ah oo u baahan in la saxo si heshiis waara loo gaaro. Madaxweynaha ayaa dhowr jeer ku faanay in wada-hadallada hadda ay ka duwan yihiin sidii hore, wallow aysan keenin natiijo wax ku ool ah.

โ€œAnaga ha nalala hadlo ayaa nagala diiday, muddo kordhin ah ayaa la iska sameystay oo la diiday in nalaga hadlo, laakiin hadda Koonfur Galbeed gogol ayaa fidsan, maxaa qabtaa, maxaa berri meel isla dhigna, marka ma jirto sabab loo dagaalami karo,โ€ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh ka shir 2023 ka dhacay Baydhabo.

Tan iyo dhammaadkii bisha Ramadaan, madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mucaaradka, isagoo diiradda saaray qodobo muhiim ah oo la xiriira dastuurka, gaar ahaan cutubka 4-aad, kaas oo tilmaamaya habka doorashada madaxda dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, golayaasha deegaanka, iyo muddo xileedka.

Inkastoo Xasan Sheekh uu dhowr jeer sheegay isbeddelka siyaasadeed ee muuqda, haddana mucaaradku waxay ku eedeeyaan in uusan daacad ka aheyn wada-hadallada. Waxaana shan kulan oo la qabtay aan weli natiijo laga gaarin, iyadoo Madasha Samatabixinta ay dalbatay in doorashada lagu qabto waqtigeeda.

Si kastaba, muddo xileedka Dowladda Federaalka ayaa ku eg bartamaha May 2026, waxaana la filayaa in kulamo dheeraad ah la qabto si loo sii wado wada-hadallada, loona helo heshiis siyaasadeed oo miro dhal ah.

- Advertisement -

Read more

Local News