Isimida SSC oo go’aan cusub kasoo saaray muranka doorashada kadib kulan dhex-maray DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Isimida SSC oo dhawaan ku biiray waan-waanta hoos loogu dhigayo xiisadda ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee Puntland ayaa soo saaray go’aan cusub.

Isimida SSC oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay inay go’aamiyeen in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto, kadib kulan ay la qaateen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib doorashadaas ayay sheegeen in la iskugu yimaado wada-tashi guud iyo halka la aadayo 8-da Janaayo ee 2024-ka, iyada oo maalmihii u dambeeyay uu meel sare gaaray khilaafka doorashada Puntland ee u dhaxeeya madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka hadlay shirka jaraa’id ee Isimida ay xalay ku qabteen magaalada Garoowe ayaa shaaciyay in go’aankan ay ku dhawaaqeen ay isla qaateen Madaxweyne Deni.

“Howshaas ciddii ka hortimaada waa cid anaga nala dagaashay. Hadal cad iyo go’aan adag ayaa iskula imaaneyn, ninkii ka horyimaada meel ayaa uga soo wada jeesaneyna,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

“Hoggaankii ayaa nahay anagu, waxaa nagala yaqaana marka howshaas dhamaato (doorashada) in aan iskugu yeerno in aan dhexdaa dhigno oo ka tashano wixii reerku ku guurayo, iyada oo la isku raacsan yahay looga gudbo. Ninkii ka horyimaadana kursiga ha ku fadhiyo ama kan dambe ha fadhiye in gacan bir ah lagu qabto.”

Garaadada ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kulan xasaasi ah kula yeeshay magaalada Qardho, kaasi oo is-afgaradka ay caawa shaaciyeen looga gaaray muranka doorashada.

Isimida SSC ayaa waxa ugu dambeyntiina sheegeen in go’aankan ay ku dhawaaqeen ay wakiil uga yihiin dhamaan Isimida Puntland, si miiska wada-hadalka loogu xaliyo khilaafka doorashada Puntland.

Go’aankan Isimida ayaa imanaya xilli hilaafka doorashada ee u dhaxeeya madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka uu dhawaan isku rogay gacan ka hadalka, kadib markii ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen magaalada Garoowe, kaasi oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.