Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda MAERSK ee gaadiidka badda iyo logistics-ka dunida ayaa shaacisay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka uu ka shaqeeyo nidaamka ECTN.
MAERSK ayaa sheegtay in Soomaaliya ka mid tahay noqotay dalalka ku waajibinaya maraakiibta inay wargeliyaan hay’adaha maamulka dekedaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena tilmaamtay in ECTN uu noqday shuruud dowladeed oo khasab ku ah dhammaan alaabaha la keenayo Soomaaliya, isla markaana aan la dejin doonin shixnad kasta oo aan wadan lambarkan.
Shirkaddu waxay ku wargelisay macaamiisha in nidaamkan lagu daray si kor loogu qaado hufnaanta iyo maamulka macluumaadka shixnadaha. Warbixinta shirkaddu ku daabacday boggeeda ayaa sidoo kale xustay in macluumaadka ECTN laga helayo mareegta rasmiga ah ee dowladda.
Tan ayaa imaneysa kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay habka tixraac soo gudbinta xamuulka saaran markab imanaya Soomaaliya.
Xogta uu nidaamkan u saamaxayo inay ogaato Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah shirkadda badeecada diraysa, shirkadda loo dirayo, nooca iyo sicirka badeecadda la dirayo.
Shirkadaha maraakiibta alaabta keenaya Soomaaliya waxay si toos ah canshuurta alaabta la soo dhoofinayo ugu soo shubi doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u hirgelisay nidaamkan, haddana weli ma cadda sida Dowladda Federaalka iyo maamuladeedu u qaybsanayaan canshuurta ka soo xaroon doonta alaabta laga soo dejiyo dekedaha Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa weji gabax ku ah Somaliland oo ayadu shaacisay inay hirgelinayso nidaam lamid ah kan ECTN ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaqan-gelisay, kaasi oo ay sheegtay in si madax-bannaan ugu maamulaneyso dekedaheeda.
Dowladda Federaalka ayaa ah midda kaliya ee go’aanno noocaan oo kale ah gaari karta, maadaama si guud ay mas’uul uga tahay dalka, waana tan keentay in si dhaqso ah ugu hoggaansanaato MAERSK oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee gaadiidka badda iyo logistics-ka dunida.
Si kastaba, qorshahan wuxuu si dhow u shabbahaa khilaafkii ka dhashay nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa). Somaliland iyo Puntland ayaa hore u qaadacay shuruudda E-visa-ha federaalka, iyagoo sabab uga dhigay walaac dhanka amniga xogta ah.
Nidaamkan ayaa haatan wajihi kara iska-caabin taas la mid ah, taas oo shirkadaha maraakiibta ku qasbi karta xaalad adag oo ah inay kala doortaan amarka dowladda dhexe iyo kan maamullada maxalliga ah, taas oo keeni karta “canshuur laba-dible ah.”
Iyadoo ay jirto xurguftaas gudaha ah, haddana dowladda federaalku waxay qorshahan u waddaa si kalsooni leh, iyadoo taageero xooggan ka helaysa beesha caalamka.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub uu taageersan yahay hirgelinta ECTN, iyagoo u arka aalad muhiim u ah xakameynta hubka sharci-darrada ah iyo maalgelinta dhismaha dowladnimada.

