27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Geelle oo runta u sheegay Xasan Sheekh iyo Xasan oo xil ka qaadis laga sugayo + Faahfaahin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo aqalka dalka Jabuuti laga maamulo kulan aan caadi aheyn kula qaatay madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele, waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimaha Somalia.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo dhawaan la filaayo inuu gali doono Doorasho, ayaa waxa uu dhigiisa Somalia Xassan Sheekh kula taliyay inuu isbar-qabto islamarkaana uu ogaado fashilka heysta Somalia.

Geele oo garab u ah Madaxweynaha Somalia ayaa kula taliyay in waxbadan uu ka bedelo qaabka iminka uu ku socdo amaanka magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay Geele in suuragal aheyn in Somalia oo waqti doorasho galeysa ay ka dhacaan weeraro aan horay u dhici jirin.

Madaxweyne Geele ayaa Xassan Sheekh kula taliyay in marka hore uu sugo amaanka magaalada Muqdisho, haddii taasi la waayana uu shaki gali doono hamigiisa ah in mar kale uu u tartamo kursiga Qaranka Somalia.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Somalia oo qeyb ka ah Safarka Madaxweyne Xassan ee Dalka Jabuuti, ayaa inoo xaqiijiyay in dib usoo laabashada Madaxweyne Xassan ay suuragal tahay in Taliyayaal ka tirsan Hay’adaha amaanka ay xilkooda weyn doonaan.

Ilo wareedka ayaa sheegay in xil ka qaadista ay u badan tahay inay saameyn xoogan ku yeelato Taliyayaasha Nabadsugida iyo Booliska, iyadoo taasi ay noqon doonto mid lagu raali galinaayo shacabka Soomaaliyeed oo inta badan nasiibka u yeeshay musiibada.

Docda kale, kulanka labada Madaxweyne qudhiisa ayaa qeyb ka ahaa talooyinka loo soo jeediyay Xassan Sheekh in il gaar ah uu ku eego Taliyayaasha Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News