Dimishiq (Caasimada Online) – Israel ayaa Arbacadii duqeymo xooggan ka fulisay magaalada Dimishiq, kuwaasoo lagu burburiyay qayb ka mid ah wasaaradda difaaca, isla markaana lala beegsaday meel u dhow qasriga madaxtooyada, iyadoo wacda ku martay inay burburin doonto ciidamada dowladda “ee weeraraya bulshada Druze-ka” ee ku nool koonfurta Suuriya, ayna dalbatay inay ciidamadaasi isaga baxaan deegaankaas.
Weerarradan ayaa ahaa kuwo si weyn sare ugu qaaday xiisadda ay Israel kula jirto maamulka Islaamiyiinta ay hoggaamiyaan ee uu madaxda ka yahay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Ahmed al-Sharca. Weerarradu waxay yimaadeen inkastoo uu jiray xiriir soo hagaagayay oo uu Sharca la lahaa dowladda Mareykanka iyo xiriirro dhinaca amniga ah oo is-beddelayay oo maamulkiisu la lahaa Israel.
Iyadoo madaxda cusub ee Suuriya ku tilmaantay jihaadiyiin is-qarinaya, ayay Israel sheegtay inaysan u oggolaan doonin inay ciidamo geeyaan koonfurta Suuriya, waxayna ballan-qaadday inay ka difaaci doonto bulshada Druze-ka ee deegaankaas weerarrada kaga yimaada. Tallaabadan waxaa dhiirrigeliyay baaqyo ka imaanayay dadka laga tirada badan yahay ee Druze-ka ah ee ku nool gudaha Israel.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa xaaladda ku sifeeyay mid “is-khilaafsan” balse wuxuu sheegay inay u muuqato “isfaham-darro”. Wuxuu intaa ku daray inuu filayo in saacado gudahood horumar laga gaari doono xaalad-dejinta.
Tobannaan qof ayaa lagu dilay isbuucan rabshado ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Sweida oo ay u badan yihiin dadka Druze-ka, kuwaasoo isku dhacyadu ay dhexmareen dagaalyahanno ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Druze-ka, ciidamada ammaanka ee dowladda, iyo xubno ka tirsan qabaa’ilka reer-guuraaga ah.
Weriyeyaal ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maqlay diyaaradaha dagaalka oo si hoose u dul heehaabaya caasimadda, kadibna fulinaya weerarro is-daba-joog ah oo aad u waaweyn galabnimadii. Tiirar qiiq ah ayaa cirka isku shareerayay agagaarka wasaaradda difaaca. Qayb ka mid ah dhismaha ayaa burburtay, dhulkana waxaa daadsanaa burburka dhismaha.
Ilo-wareed caafimaad oo Suuriyaan ah ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday wasaaradda difaaca ay ku dhinteen shan xubnood oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka.
Sarkaal ka tirsan millateriga Israel ayaa sheegay in ciidanka Israel ay garaaceen iridda laga galo xarunta dhexe ee millateriga ee Dimishiq iyo bartilmaameed kale oo millateri oo u dhow qasriga madaxtooyada.
Sarkaalka u dhashay Israel ayaa sheegay in ciidamada Suuriya aysan wax tallaabo ah ka qaadin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Druze-ka, ayna qayb ka yihiin dhibaatada jirta. Wasiirka Difaaca ee Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in millateriga Israel ay “sii wadi doonaan hawlgallada xooggan ee ay ka wadaan Sweida si loo burburiyo ciidamada weeraray Druze-ka ilaa ay gebi ahaanba ka baxayaan.”
Sharca ayaa wajahaya caqabado waaweyn oo ku aaddan sidii uu dib isugu soo celin lahaa midnimada Suuriya, iyadoo ay jirto cabsi weyn oo ay qabaan kooxaha ka baqaya maamul Islaami ah—cabsidaas oo ay sii kordhiyeen dilal wadareedyo loo geystay dadka laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta bishii Maarso.
Ciidamada dowladda Suuriya ayaa Isniintii loo diray gobolka Sweida si ay u qaboojiyaan dagaal dhexmarayay dagaalyahannada Druze-ka iyo kooxo hubaysan oo reer-guuraa ah, balse waxay aakhirkii isku dhaceen maleeshiyaadka Druze-ka.
Arbacadii xilli dambe, wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Druze-ka, Sheikh Yousef Jarbou, ayaa sheegay in la gaaray xabbad-joojin.
Si kastaba ha ahaatee, Sheikh Hikmat al-Hajari, oo ah hoggaamiye kale oo Druze ah, ayaa sheegay in dagaalku uu sii soconayo ilaa Sweida “si buuxda loo xoreynayo”. Xabbad-joojin kale oo lagu dhawaaqay Talaadadii ayaa burburtay.
Dadka deegaanka Sweida ayaa sheegay inay guryahooda ku go’doonsan yihiin. “Waa nalagu hareereysan yahay, waxaana maqlaynaa qeylada dagaalyahannada… aad ayaan u baqeynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka Sweida oo khadka taleefanka lagula hadlay.
Dhawaqa rasaasta oo ay googooynayeen jugta qaraxyada ayaa laga maqlayay hareeraha. “Waxaan isku dayeynaa inaan carruurta aamusinno si aan qofna noo maqal,” ayuu intaa ku daray ninkaas, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin isagoo ka baqaya aargudasho.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in 169 qof lagu dilay rabshadaha asbuucan. Ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa tirada ku sheegay 300. Wakaaladda Reuters si madax-bannaan uma xaqiijin karin tirakoobyadaas.
Dadka laga tirada badan yahay
Dadka Druze-ka ah waa dad haysta mad-hab ka farcamay diinta Islaamka, waxayna ku kala nool yihiin Suuriya, Lubnaan iyo Israel.
Kaddib baaqyo ka soo yeeray gudaha Israel oo lagu dalbanayay in la caawiyo dadka Druze-ka ah ee Suuriya, ayay tobannaan ka tirsan Druze-ka Israel Arbacadii jabiyeen deyrka xudduudda, iyagoo la midoobay dadka Druze-ka ah ee dhinaca Suuriya, sida uu sheegay goobjooge u warramay Reuters.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in millateriga Israel ay ka shaqeynayaan sidii loo badbaadin lahaa Druze-ka, wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta Druze-ka ah ee Israel inaysan ka gudbin xudduudda. Millateriga Israel ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii si nabadgelyo ah loogu soo celin lahaa dadkii rayidka ahaa ee ka gudbay xadka.
Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Suuriya, Tom Barrack, oo hore u ammaanay madaxda cusub ee Suuriya kuna dhawaaqay bishii Maajo in nabad ay dhexmari karto Suuriya iyo Israel, ayaa cambaareeyay rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Sweida.
“Dhammaan dhinacyadu waa inay dib u gurasho sameeyaan oo ay galaan wada-hadal dhab ah oo horseeda xabbad-joojin waarta. Dembiilayaasha waa in lala xisaabtamaa,” ayuu yiri.
Nin u dhashay Israel oo Druze ah, laguna magacaabo Faez Shkeir, ayaa sheegay inuu dareemayo awood-darro isagoo daawanaya rabshadaha ka socda Suuriya. “Qoyskeygu waxay joogaan Suuriya—xaaskeygu waxay joogtaa Suuriya, adeeradey waxay ka soo jeedaan Suuriya, qoyskeyguna waxay joogaan Suuriya, gaar ahaan Sweida. Ma jecli inaan arko iyagoo la dilayo. Guryahoodii waa laga saaray, waa la dhacay, guryahoodiina waa la gubay, laakiin waxba kama qaban karo,” ayuu yiri.
Talaadadii, weriye ka tirsan Reuters ayaa sheegay inuu arkay ciidamada dowladda oo bililiqeysanaya oo gubaya guryo, sidoo kalena xadaya baabuur iyo alaab guri oo ku yaalla Sweida. Nin ayaa weriyaha tusay meydka walaalkiis oo madaxa looga toogtay gurigooda gudihiisa.
Bayaan kasoo baxay dowladda Suuriya Arbacadii ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo mas’uul ka ah sharci-darrada ka dhacday Sweida. Bayaanka ayaa intaa ku daray in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka ku nool Sweida.
Ahmed Sharca ayaa si is-daba-joog ah u ballan-qaaday inuu ilaalin doono dadka laga tirada badan yahay.











