Israel oo duqeyn culus ka geysatay Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ugu yaraan 13 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israil ku bartilmaameedsadeen saddex guri oo ku yaalla degmada Rafax ee Marinka Gaza.

Weerar kale oo ka dhacay dhanka waqooyi ee Marinka Gaza ayay ilaha caafimaadku sheegeen in dhowr qof lagu dilay kuwo kalana lagu dhaawacay, kaddib marki ay madaafiicda Israil ku dhaceen laba guri oo ay dad rayid ah daganaayeen.

Weeraradan cirka ah ee ay ciidanka Israil u geysteen magaalada ay isugu tageen qaxootiga iyo barakacayaasha Falastiiniyiinta Gaza ee Rafax ayaa yimid, saacado yar ka hor inta aysan Qahira gaarin qaar ka mid ah madaxda ururka Xamaas.

Saraakiisha Dowladda Masar ayaa Axaddii shalay aheyd sheegay in Isniinta maanta ah ay hogaamiyaasha Xamas imaa doonaan Qahira, si halkaasi looga sii amba qaado wadahadallo rajo laga rajo qabo in uu ka dhasho heshiis xabad joojin ah oo dhexmara Israil iyo Xamas.

Wada-hadallada ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya Qatar, Masar iyo Mareykanka.