28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Israel oo durba u dhaqaaqday jebinta heshiiskii nabadda, weerarna ku qaaday Gaza

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa weerarkii labaad saacado gudahood maanta ka geysatay marinka Gaza, xilli shalay un la dhameystiray heshiiska nabadda Gaza.

Weerarkii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil aya ka dhacay Khan Yuunis oo ka tirsan koonfurta marinka Gaza, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan hal qof, halka tiro kalena lagu dhaawacay, sida ay baahisay Al Jazeera.

Sidoo kale, shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarka koowaad oo ay Israa’iil ka fulisay xaafadda Shujaaciyah ee marinka Gaza.

Ciidanka Israa’iil ayaa la sheegay inay ku andacoodeen in dadka la dilay iay ku soo dhawaadeen goobaha ay ku sugnaayeen ciidanka Israa’iil.

Xamaas oo dhankeeda war kasoo saartay weerarada Israa’iil ayaa waxay ugu baaqday dhammaan dhex-dhexaadiyeyaasha inay la socdaan ficillada Israa’iil, oo ay hubiyaan inay dhaqan-geliso waajibaadkeeda ku aadan dhammaadka dagaalka Gaza.

Afhayeen u hadlay ururka oo lagu magacaabo Hazem Qassem ayaa dilka ay maanta ciidanka Israa’iil u geysteen dhowr qof oo reer Gaza ah, iyagoo adeegsanaya duqeymo cirka ah iyo rasaas toos ah, ku tilmaamay jebinta heshiiska xabbad-joojinta ee la saxiixay.

Weeraradan ayaa imanaya xilli ay Israa’iil la wareegtay dhamaan maxaabiista ay gacanta ku hayeen iska caabinta Gaza, isla markaana la dhameystiray heshiiska xabad-joojinta Gaza ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Dhaqan-gelinta heshiiskan oo uu damaanad qaaday Mareykanka, sida uu sheegay Madaxweyne Donald Trump, ayaa isha lagu hayaa sida uu uga fal-celin doono carqaladeynta Israa’iil, oo durba bilowday weeraradii Gaza.

Trump oo xalay soo gaba-gabeeyay socdaalkiisi Masar ayaa ku dhawaaqay in la guda galayo wajiga labaad ee heshiiska nabadda ee Xamaas iyo Israa’iil, iyadoo isla xalay hoggaamiyaasha caalamka ay qalinka ku duugeen nabad-waarta oo Gaza ka dhacda.

- Advertisement -

Read more

Local News