29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Israel oo shuruud yaab leh ku xirtay Sacuudiga xilli uu socdo qorshe xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa Khamiistii shaaciyay in ay oggolaan doonaan heshiis diblumaasiyadeed oo lala yeesho Sacuudi Carabiya oo keliya haddii uusan heshiiskaasi ku jirin qorshe lagu dhisayo dowlad Falastiin ah. Smotrich ayaa sidoo kale ku booriyay Sacuudiga “inay dib ugu noqdaan geel wadidda.”

“Marka Sacuudi Carabiya ay na tiraahdo xiriirka caadiga ah wuxuu suurtagal noqonayaa oo keliya haddii Falastiin noqoto qaran madax-bannaan, taas kama aqbaleyno. Mahadsanid,” ayuu yiri Smotrich.

Wuxuu intaas kusii daray: “Dadweynaha Sacuudi Carabiya ha sii wadaan geel raacnimada saxaraha, annaguna waxaan sii wadi doonaa horumarinta dhaqaalaha, bulshada iyo dalkayaga.”

Hadalkan ayuu ka jeediyay shir uu cinwaankiisu ahaa “Halakha in the Age of Technology,” oo ay soo qaban-qaabiyeen machadka Zomet iyo wargeyska Makor Rishon.

Bayaanka Smotrich ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo uga timid siyaasiyiin mucaarad ah iyo xildhibaano ka tirsan isbahaysiga talada haya, kuwaas oo ku tilmaamay hadalkiisa mid jaahilnimo iyo mid dhaawacaya sumcadda Israa’iil.

Smotrich ayaa saacadood kadib bixiyay raalli-gelin, isagoo yiri: “Hadalladii aan ka sheegay Sacuudi Carabiya ma ahayn kuwo munaasib ah, waxaana ka cudurdaaranayaa gefka dhacay.”

Hadalka hoggaamiyaha xisbiga garabka midig, ayaa imanaya xilli Mareykanka uu si hoose uga shaqeynayo sidii Sacuudiga loogu soo dari lahaa Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), inkastoo dhammaan wada-hadalladii caadiyeynta xiriirka Israa’iil ay burbureen kadib weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 ee ay Xamaas hoggaaminaysay ee koonfurta Israa’iil, iyo xasuuqii xigay ee Israa’iil ay ka geysatay Gaza ee ka dhanka ahaa Falastiiniyiinta.

Iyadoo ay hadda jirto xabbad-joojin aan sal adkeyn, ayuu ergayga Trump u qaabilsan hawlgallada nabadda, Steve Witkoff, wuxuu toddobaadkii hore sheegay inuu aaminsan yahay in duruufuhu hadda u saamaxayaan waddamada gobolka inay mar kale ka fikiraan caadiyeynta xiriirka.

Laakiin dhaqanka Israa’iil ee Gaza oo si weyn loo dhaliilay iyo duqeymaha ay ka geysatay toddoba dal oo kale labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa yaraynaysa suurtagalnimada in haatan la ballaariyo heshiisyada Abraham, ugu yaraan hadda.

- Advertisement -

Read more

Local News