Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar ayaa si adag u difaacay aqoonsiga ay dhawaan sheegeen inay siiyeen Somaliland, xilli uu u jawaabayay dalalka ka horyimid arrintaan.
Sa’ar ayaa ku dooday in Somaliland ay muddo 34 sano ah ahayd dowlad shaqaynaysa, isla markaana aanay aheyn wax sameysmay toddobaadkan dhammaadkiisii.
Sidoo kale wuxuu ku tilmaamay fal-celinta ka dhalatay aqoonsigooda Somaliland mid munaafaqnimo ah.
“Somaliland lama samayn dhammaadkii toddobaadkan, waxay ahayd qaran jira oo shaqaynaya muddo ka badan 34 sano. Weerarada lagu hayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa munaafaqnimo,” ayuu yiri Sa’ar, oo qoraal kaga jawaabay baaqyada ay soo saarayaan dowlado iyo ururada qaarkood ee ka dhanka ah aqoonsigii Jimcihii.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay kaligeed go’aan ka gaarto cidda ay aqoonsanayso iyo dalalka ay la samaynayso xiriir diblomaasiyadeed, isagoo si toos ah ula hadlay waddamada dhaliilay xiriirka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil.
Israa’iil ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo kaga imanaya dalal badan oo caalamka iyo gobolka ah, kuwaas oo intooda badan cambaareeyay aqoonsiga Somaliland.
Dhanka kale, Wasiirka Qurbajoogta Israa’iil ayaa Qatar ku eedeeyay inay tahay dal u shaqeeya dano qoys, isla markaana taageera argagixisada, kaddib markii Qatar ay ka hortimid aqoonsiga Somaliland.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu maanta yeesho kulan degdeg ah oo ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saari doono arrinta aqoonsiga Somaliland. Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inay sii difaaci doonto xiriirka ay la sameysay Somaliland.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa maanta kulan ku yeelanaya gobolka Florida, iyadoo aqoonsiga Somaliland uu ka mid yahay qodobbada la filayo inay ka wada-hadlaan.
Si kastaba, aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii December oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, ayaa dhaliyay cambaareyn xooggan oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.
Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.
Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale Midowga Yurub ayaa isna qeyb ka noqday cambaareysta xad-gudubka Israa’iil. Si kastaba, Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, samaysatayna hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, balse waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.

