25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Itoobiya oo askar looga dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Waajid (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool ee Soomaaliya, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ku socdaalayay qaybo kamid ah degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ciidamada la weeraray ayaa kasoo baxay garoonka degmada Waajid, waxayna kusii jeedeen saldhig ay ku leeyiin duleedka degmada, iyaga oo markaas weerar dhabagal ah kala kulmay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, halka lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in gaadiid laga gubay kolonyada ciidamada Itoobiya, waxaana haatan socda howlgallo lagu baadi goobayo Shabaabkii weerarka qaaday.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, welina ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan firxad xubnaha soo weeraray

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Bakool ayaa waxaa culeys xooggan ku hayo kooxda Al-Shabaab, waxayna badanaa go’doomisay degmooyinka gobolkaas oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News