27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Itoobiya oo soo baahisay khariidad ay ku sheeganayso qeybo ka mid ah Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Abab (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyay muuqaal ay ku jirto khariidad dhulal ka tirsan dalal ku yaalla Geeska Afrika oo lagu daray dalka Itoobiya.

Khariidadan oo dhalisay muran xooggan ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kusoo bandhigay munaasabaddii soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, oo booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Khariidadda ayaa muujineysa in Itoobiya ay ku fidsan tahay dhulal si caalami ah loo aqoonsan yahay inay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba khariidadda laga waayay dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Arrintan ayaa dhalisay cambaareyn iyo dhaleeceyn ka timid bulshada dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea, iyadoo khariidadan lagu tilmaamay mid marin-habaabin ah oo Itoobiya uga dan leedahay dhul-ballaarsi aan soconayn.

Khariidadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid dhaawaceysa madax-bannaanida dalalka iyo xuduudahooda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, isla markaana ah xad-gudub ay ku kacday xukuumadda Abiy Axmed.

Muuqaalka muranka dhaliyay ayaa weli laga heli karaa baraha rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo aan weli laga bixin wax faah-faahin ama jawaab ah oo la xiriirta carada ka dhalatay.

Itoobiya ayaa horay sidan oo kale u baahisay khariidad xad-gudub ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, inkastoo Addis Ababa ay cudurdaar ka bixisay khariidadii hore oo ay ku sheegtay inay si qalad ah u baxday oo aan ku talo-gal ahayn, haddana tan kama aysan jawaabin, taasoo muujinaysa damaceeda guracan ee ka dhan ah dalkeenna.

Si kastaba, khariidadan muranka dhalisay ayaa soo baxday xilli Itoobiya ay marar badan muujisay rabitaankeeda ah inay hesho marin badeed ay leedahay, si ay si madax-bannaan ugu adeegsato danaheeda iyo badeecadaheeda.

- Advertisement -

Read more

Local News