ITOOBIYA oo duqeyn horleh ka fulisay gobolka HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya maanta ka geysteen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya, isla-markaana hoostaga maamulka HirShabelle.

Dqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Bacda, Qabno iyo Cowmaad oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Mataaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka hubka culus ee ay ridayeen diyaaradaha Itoobiya, balse waxa ay shaaciyeen in aysan sheegi karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Xaaladda goobaha la duqeeyey ayaa sidoo kale weli aad u kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib duulaankii ay kooxda ku qaaday dhulka dowlad deegaanka Soomaalida