Addis-Ababa (Caaismada Online) – Xildhibaan Dina Mufti, oo horey u ahaa afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, in uu faafinayo aragti uu ku tilmaamay “mid aad khatar u ah” oo sheegaysa in ay jiraan “isku dhacyo u dhexeeya qowmiyadaha Cushitic iyo Semitic.”
Dina ayaa arrintan ku sifeeyay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Itoobiya lana abuuro isbahaysi siyaasadeed cusub oo ka hirgala Geeska Afrika.
Qoraal uu ku daabacay Horn Review, oo ah warbaahin si dhow ula shaqeysa dowladda, Dina ayaa ka falceliyay khudbaddii uu Madaxweyne Isaias jeediyay xuska sannad-guuradii 34-aad ee madaxbannaanida Eritrea. Wuxuu ku andacooday in Isaias “la yimid aragtidan” si uu u dhidibo qorshe ku wajahan “dib u habeynta xoogagga siyaasadeed ee Geeska Afrika.”
Dina wuxuu sheegay in ujeeddadu tahay in la mideeyo “maleeshiyaad qowmiyadeed oo ka kala socda gobollada Tigray iyo Amxaarada,” iyada oo loo marayo isbahaysi uu Isaias hoggaaminayo, si loogu rido dowladda federaalka Itoobiya. Sida uu sheegay Dina, Isaias wuxuu aaminsan yahay in dowladdaasi ay “ku shaqeyso dano shisheeye.”
Weerarkii Afwerki
Intii uu khudbadda ka jeedinayay magaalada Asmara 24-kii May, Madaxweyne Isaias wuxuu Itoobiya ku sifeeyay dal ku dhex jira “wareegyo isdaba-joog ah oo ay la tacaalayso dhibaatooyin iyo burbur” muddo ku dhow “siddeetan sano – ama ugu yaraan saddex jiil.”
Wuxuu arrintan ku eedeeyay siyaasadihii “ay hormuudka ka ahaayeen Mareykanka xilligii Dagaalkii Qaboobaa,” iyo “khaladaad culus” oo uu sheegay in ay sameeyeen hoggaamiyayaashii Midowgii Soofiyeeti.
Sida uu hadalka u dhigay, Itoobiya waxay seegtay fursaddeedii dhismaha qarannimo, halkii ay ka dooratay “in ay ku burburto kala qaybsanaan qowmiyadeed,” taasoo uu ku tilmaamay sababta “kacdoonnada iyo burburka dalka.”
Madaxweyne Isaias wuxuu sidoo kale ku eedeeyay xoogag shisheeye — kuwaas oo uu sheegay in ay ka niyad-jabeen isbeddelladii rajo-gelinta lahaa ee Itoobiya ka bilowday toddoba sano ka hor — in ay hurinayaan “dagaallo lagula jiro shacabka Itoobiya” iyada oo la adeegsanayo magaca Xisbiga Barwaaqo (Prosperity).
Wuxuu si gaar ah u xusay arrimo uu sheegay in loo adeegsaday in lagu sharciyeeyo faragelintaasi, kuwaas oo ay ka mid yihiin: “arrinta biyaha,” “Webiga Nile iyo Badda Cas,” “helitaanka badda,” iyo aragtida uu ku tilmaamay “Orommuma,” taasoo uu ku dooday in aysan matalin shacabka Oromada.
Jawaabta Itoobiya
Ambassador Dina ayaa si adag uga falceliyay hadalka Isaias, isaga oo ku tilmaamay in kala soocidda Cushitic iyo Semitic ay tahay “dhiirrigelin khatar ah” oo sababi karta xoojinta xiisadaha qowmiyadeed. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Isaias in uu “dhiirrigelinayo naceyb ka dhan ah bulshada Oromada” isaga oo adeegsanaya fikradda Orommuma, taasoo Dina ku dooday in “uusan Isaias faham dhab ah u lahayn.”
Wuxuu ku daray in Madaxweyne Isaias uu leeyahay “dhaqan soo jireen ah oo ah in uu qowmiyad ka horkeeno qowmiyad kale,” si uu u wiiqo dowlad kasta oo Itoobiya ka talisa oo “diidda in ay ka amar qaadato.”
Dina wuxuu sidoo kale dhaliilay nuxurka khudbaddii Isaias, isagoo sheegay in aysan “wax warbixin ah ka bixin wixii horumar ah ee Eritrea gaartay tan iyo xornimadeeda.”
Isaga oo arrinta sii faahfaahinaya, wuxuu sheegay in Isaias “uusan soo hadal qaadin wax horumar dhaqaale ah, mashaariic waaweyn, ama barnaamijyo horumarineed,” isagoo ku dooday in madaxweynaha “aanu dan ka lahayn arrimahaasi.” “In ka yar shan meelood meel khudbaddiisu waxay quseysay Eritrea,” ayuu yiri Dina.
Wuxuu intaa ku daray in khudbadda inteeda kale ay ahayd “muxaadaro dheer oo ku saabsan arrimo juqraafi siyaasadeed,” oo ay ka mid ahaayeen falanqayn ku saabsan maamulka Donald Trump, dhaqdhaqaaqa MAGA, iyo tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka.
Dina wuxuu xusay in hadallada Madaxweynaha ay muujiyeen “yareyn iyo iska indhatirid muuqata oo ku saabsan doorka Afrika,” kahor inta uusan hadalka u weecin “muranada ka taagan Suudaan iyo Itoobiya.”
Marka laga soo tago hadalka, Dina wuxuu ku eedeeyay Isaias in “ciidamo Eritrean ah ay weli joogaan gudaha Suudaan iyo dhul Itoobiya ka tirsan,” isaga oo intaa ku daray in madaxweynuhu uu siiyo “taageero maaddi ah kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Itoobiya.”
“Ku xadgudubka joogtada ah ee uu ku hayo midnimada, madax-bannaanida iyo dhul ahaanshaha Itoobiya lama aqbali karo muddo aan la koobi karin,” ayuu yiri Dina.
Bishii Janaayo 2021, Ambassador Dina — oo markaas ahaa afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya — wuxuu si cad u beeniyay jiritaanka ciidamada Eritrea ee ku lug lahaa dagaalkii Tigray.