New York (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii ballan qaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso geeddi-socodka nabadda iyo amniga Soomaaliya, xilli uu hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xasilinta uu ka digay inuu wajahayo farqi maaliyadeed oo curyaamin kara oo gaaraya $180 milyan oo doollar sanadka 2025-ka.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Hadera Abera, oo ka hadlayay Shirka Heerka Sare ee Ballanqaadyada Maalgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaasoo ka qabsoomay hareeraha Shirweynihii 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xasiloonida muddada dheer ee Soomaaliya ay ku xiran tahay xoojinta ciidamadeeda amniga.
“Waxaan ka gaarnay horumar la taaban karo daciifinta awoodda Al-Shabaab,” ayuu yiri Abera. “Sidaas darteed, waxaan salaan sharaf iyo maamuus u direynaa ciidamadeena, gaar ahaan kuwii naftooda ku waayey iyagoo gudanaya waajibaadkooda.”
Wuxuu ammaanay horumarka ay Muqdisho ka samaysay xoojinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya, balse wuxuu ka digay in saaxiibada caalamku ay waajib ku tahay inay si degdeg ah u kordhiyaan taageeradooda.
Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo fuliyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719, kaasoo dejinaya qaab-dhismeed loogu talagalay maalgelin la isku halleyn karo oo lagu bixiyo hawlgallada nabadda ee ay hoggaamiyaan Afrikaanka.
Hawlgalka AUSSOM, oo la bilaabay bishii Janaayo si uu u beddelo Hawlgalkii Ku-meelgaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa waxaa loo xilsaaray adkeynta guulaha dhanka amniga ee la gaaray, iyadoo isla markaasna mas’uuliyad ballaaran lagu wareejinayo ciidamada Soomaaliya. Hawlgalka ATMIS wuxuu ka dambeeyay kii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo la aas-aasay sanadkii 2007, isla markaana kaalin lama huraan ah ka qaatay hawlgalladii lagula dagaallamayay al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka hawlgalkan waxaa mugdi geliyey khilaafyo dhanka maalgelinta ah. Deeq-bixiyeyaashu waxay weli isku khilaafsan yihiin cidda qaadi doonta culayska dhaqaale ee hawlgallada amniga ee ay hoggaamiyaan Afrikaanka.
Dadka dhaliilsan ayaa ka digaya in habka maalgelinta isku-dhafan ee ay soo jeediyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu keeni karo musuq-maasuq iyo hawlgabnimo, halka kuwa taageersan ay ku doodayaan inay muhiim tahay in la ilaaliyo guulaha aan cagaha adag ku taagnayn ee laga gaaray Geeska Afrika.
Soomaaliya, oo ay Al-Shabaab weli ka maamusho deegaanno ballaaran ayna si joogto ah uga fuliso weerarro dhiig badan ku daato, ayaa weli tijaabo u ah in bulshada caalamku ay xal waara u heli karto colaadaha muddada dheer ka jiray qaaradda.

