Itoobiya oo saraakiil sare u soo dirtay Soomaaliya ka hor imaanshaha ciidanka Masar

Bookmark
Bookmarked

Share

Doolow (Caasimada Online) โ€“ Saraakiil sare oo ka socota dowladda Itoobiya ayaa soo gaaray Soomaaliya, iyagoo kulamo xasaasi ah ka bilaabay xuduudda labada dal.

Saraakiisha Itoobiyaanka oo haatan ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta la kulmay duqa degmada Doolow. Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka amni ee xuduudda labada dal.

Socdaalka ay saraakiisha Itoobiyaanka kusoo gaareen xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa imanaya xilli dhawaan lagu wado in Masar ay dalka keento ciidamadeeda, kuwaas oo walaac amni ka qabto Itoobiya.

Si kastaba, Saraakiishan oo kasoo gudbay xadka gobolka Gedo uu la leeyahay dhinaca Itoobiya ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada Itoobiya ku xoojinayso saameynteeda gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolkaasi, oo ku sugan yihiin ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Itoobiya ayaa horey u muujisay diidmadeeda in ciidamada Masar qeyb ka noqdaan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo Addis Ababa sheegtay inay “si weyn uga walaacsan tahay” qorshahaas.

Inkastoo safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleyman Didefo uu sheegay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, haddana marnaba Addis Ababa ma qarsan saameynta ciidankaasi ku yeelan karaan danaheeda.

Safiirka ayaa sheegay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. “Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,โ€ ayuu Didefo ku yiri wareysi uu bixiyay.

Ka qayb-galka Masar waxaa oggolaaday Midowga Afrika dabayaaqadii 2024-kii, kaddib wadahadallo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loogu meel mariyay heshiis amni oo labo geesood ah oo la saxiixay bishii Janaayo.

Bishii Luulyo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Masar kula kulmay Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, halkaasoo ay Qaahira ku ballan-qaadday inay kordhinayso tababarka iyo hubeynta ciidamada Soomaaliya, ayna soo saartay digniin ka dhan ah tallaabooyinka loo arko inay halis gelinayaan amniga Badda Cas.

Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo 2024 kadib markii Addis Ababa ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland, kaasoo siinaya marin badeed ay isticmaasho dekad iyo saldhig ciidan badeed, iyadoo beddelkeeda laga yaabo in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.

Muqdisho ayaa si deg-deg ah heshiiskaas ugu tilmaantay xadgudub sharci-darro ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, waxayna ku hanjabtay inay eryi doonto ciidamada Itoobiya. Dalka Turkiga ayaa markii dambe dhex-dhexaadiyay Baaqii Ankara bishii December, kaasoo lagu soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Dhinaca Masar, ka qayb-galka howlgalka xasilinta Soomaaliya waa mid ay ku muujinayso garab istaagga ay la garab taagan tahay Muqdisho iyo sidoo kale qayb ka ah istiraatiijiyaddeeda ballaaran ee Badda Cas.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ka digay in damaca Ethiopia ee dhinaca badda uu khatar ku yahay amniga gobolka, gaar ahaan marinnada maraakiibta ee gala Kanaalka Suweys.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay isku dayday inay isku dheellitirto xiriirkeeda, iyadoo soo dhoweysay taageerada Masar, balse ku adkaysanaysa inaan lagu soo jiidi doonin siyaasadda Webiga Niil.

Diidmada Itoobiya waxay salka ku haysaa loollan juquraafi-siyaasadeed oo soo jireen ah oo kala dhexeeya Masar. Qaahira iyo Addis Ababa waxay sanado badan isku khilaafsanaayeen Biyo-xireenka Weyn ee Ethiopia (GERD), kaasoo Masar ay ka cabsi qabto inuu xaddidi doono saami-qaybsigeeda biyaha Webiga Niil.

Masar ayaa ka digtay in iska caabbinta joogtada ah ee Itoobiya ay kordhin karto halista isku dhacyo, iyadoo tilmaamtay in Itoobiya aysan rabin in Masar ay door muhiim ah ka ciyaarto Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News