Amsterdam (Caasimada Online) Waxaa soo badanaya walaaca ay muujinayaan Soomaalida ku dhaqan dalka Holland, kaddib markii raaf lagu sameeyay dhallinyaro Soomaali kuwaasoo si qasab ah looga celiyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Toddobaadkan ayey ahayd markii wiil dhallinyaro ah oo ka tirsanaa jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland xoog looga dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ka xirnaa gamcaha, waxaana halkaas geeyay boolis.
Wariyaha qaarada Yurub ee Shabakadda Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in shaley dib loo dhigay koox Soomaali ah oo la rabay in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.
Arrintan soo baxday markii la sheegay in heshiis ay gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Netherlands, kuwaasoo isku raacay in Soomaalida sharci darada ku jooga dalka Holland dib loogu soo celiyo dalkooda.
Dowladda Holland ayaa dhowr jeer ku dhaqaaqday tallaabadan oo kale balse, hey’addaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa qoxootiga ayaa is-hortaagay, maadama ay sheegeen in weli Soomaaliya ay tahay goob khatar ah.
Dowladda Holland ayaa ku adkeesaneysa in ay dib u celin doonto Soomaalida ku nool dalkeeda, maadama Soomaaliya ay tahay dal nabdoon oo dowlad rasmi ah ay ka jirto.
Dalka Holland waxaa ku nool Soomaalida badan kuwaasoo qoxooti ah ku tagay, waxaana la soo sheegayaa in qaar badan ay weli helin sharciga dalka.
Qaar badan oo ah Soomaalida marka ay tagaan dalka Netherland waa ay ka sii tagaan oo waxa ay galaan waddamada kale.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka London