25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee CANADA oo bogaadisay go’aankii xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

BAAQ JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE CANADA

KU: Golaha Shacacka Qaranka Federaalka Soomaaliya

Ujeedo: Soo Jeedin Baaq

Ilahay baa mahad leh oo noo suurta galiyay in aan mar kale idiin soo gudbino baaqani oo daba joogaa baaqii aan soo jeedinay 16-kii Janaayo 2015. Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin aan u soo gudbineynaa xubnaha sharafta leh ee golaha shacabka qaranka federaalka Soomaaliya, innaga oo ugu hambalyeyneyna sida hufnaanta iyo kartida leh ee aad u gudateen howshii shacabka Soomaaliyeed idiin igmaday, una tusteen umadda Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba jooga awoodiina, taasoo soo nooleyneysa rajada iyo kalsoonida umadda idin ku qabto.

Haddaan nahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalka Canada, waxaan idiin soo jeedineynaa in goor walba aad isku duubnida iyo badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed uu ahaado hal ku dhiggiinu. Go’aamada qaraar ee aad maanta qaadataan waa midka uu mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku badbaadayo. Waqtigii loogu tala galay in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho xor ah, muddo yar baa ka hartay, waxaana looga fadhiyaa wasiirka kowaad ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ku timaada wadatashi oo qancisa shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabada baaqeenna waxaan u soo jeedineynaa xukuumada iyo golaha shacabka qaranka in aad mas’uul ka tihiin shacabka Soomaaliyeed ee isugu jira dad da’a ah, dad jilicsan, agoon iyo bulshada inteeda kale in aad goor walba xusuusataan aayada quraanka kariima ah ee alle ku yiri:-وَقِفُوهُمْ ۖ إِنَّهُمْ مَسْئُولُونَ, oo leydin weydiin doono waxaad u qabateen umaddaasu markii ay idiin baahnaayeen.

Waxaa baaqan ku saxiixan qaarka mid ah waxgaradka iyo odayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada.

1. Cawad Axmed Cashara
2. Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere)
3. Cabdirisaaq Xuseen Geedi (Cabdiriqaas Shuluq)
4. Axmed Cabdullaahi Maajoor (Kamandhe)
5.Axmed Cali Yuusuf (Dhabaryare)
6. Cabdinasir Maxamed Saalax
7. Fowsi Maxamed Cumar (Gidhidhi)
8. Maxamuud Ali nuur
9. Liiban Daahir Gabayre
10. Sahra Saalax Maxamed
11.Falis Yaasiin
12. Maxamed Cariif
13. Xabiiba Cabdi Jaamac
14. Aamina Xaaji Cabdi
15. Cabdiwaaxid Xaaji Cabdi
16. Maxamed Cabdullaahi Cabdi
17. Kaltuun Xaaji Xasan
18. Naadiya Xasan
19. Farxiya jaamac
20. Sahra Cabdullaahi Jaamac
21. Khadiija Maxamed Yuusuf
22. Fardowsa Cige

Caasimada Online
Xafiiska Minnesota
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News