Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa qoraal ka soo saaray shirarka jaraa’id ee mucaaradka iyo eedeymaha ay u jeedinayaan dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo dul istaagay qodobo uu sheegay inay guul u yihiin dalka balse xubnahaasi ay carqaladeynayaan.
Wasiir Jaamac ayaa sheegay in shidaalka u soo baxaya Soomaaliya ay xubnahan mucaaradka ahi carqaladeynayaan, sida sidoo kale doorashada qof iyo cod oo muddo dheer ay dadka Soomaaliyeed ku taamayeen.
Xubnaha uu wasiirku si toos ah ugu jawaabay waa Rooble, oo mar ay saaxiibo siyaasadeed ahaayeen, iyo Kheyre, kuwaas oo labadii maalmood ee ugu dambeysay qabtay shirar jaraa’id oo dowladda federaalka ay ku weerareen, iyagoo si toos ah u beegsaday madaxweynaha, isla markaana saxaafadda kula hadlay isku waqti.
Hoos ka akhriso qoraalka Wasiir Jaamac oo dhameystiran:
Khudbadaha mucaaradku soo qeybsaday oo sida jadwaleysan loo baahinaayo, qofba maalintiisa hadlaayo, waxaa ka muuqda hinaase, quuri-waa, ijaafeyn iyo aragti la’aan.
Waxaa laga baxay akhlaaqdii siyaasadda iyo af-gobaadsiga Soomaalinimada.
Af-lagaadeynta madaxweynaha qaranka ee loo bareeray waxaa dheer midda garaadka iyo caqliga ummadda Soomaaliyeed loo geysanaayo.
Waxaan markhaati ka ahay in mudane madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay waayo-arag xilkas ah, oo horumarinta danaha qaranka ku dhiirran, diyaarna u ah inuu qarannimada u dakanoobo, si adagna u difaaco.
Waxa la hagardaameynayo waa doorashada qof iyo cod oo waqti dheer ahayd himilo muwaadiniinta Soomaaliyeed ku taamayeen. Waxa la carqaladeynayo waa shidaalka iyo khayraadka aan waqti dhow la soo bixi doonno. Waxa dambiga looga dhigaayo madaxweynaha waa dhowrista midnimada dalka iyo ka hortagga kala goyntiisa. Waxa laga been-sheegaayo waa dagaalka aanan maalinna istaagin ee madaxweynuhu hoggaaminaayo laguna ciribtiraayo argagixisada.
Waxaa noo muuqda rajo wanaagsan, amni iyo barwaaqo uu garwadeen ka yahay Birmade Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Odayaasha aan xog-ogaalka moodnay balse xasarad-abuurka noqday waxaan leeyahay halkii uu Gaarriye oran jiray:
“Hadaan guga kuu kordhaa,
Gabow mooyee ku tarin,
Garaad iyo waayo-arag,
Illayn wax ma dhaantid geed.”