26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Jaamacad ka duwan Jaamacadihi hore oo lagu furay Muqdisho + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xaafada Siigaale Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga furey jaamacad cusub oo la magac baxday Imaamu shaafici.

Jaamacadaani ayaa laga hirgeliyay dhismaha caanka ah ee hore u ahayd Mowlca Macalin Nuur Maxamed Siyaad waxaana xaflad weyn oo maanta la sameeyay ka soo qeybgalay xildhibaano,waxgarada,culumaa’udiin,mas’uuliyiin ka socota wasaarada waxbarashada iyo xubno ka socday jaamacadaha Muqdisho.

Xildhibaan Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa maamule looga dhigay Jaamacadaasi waxaana khudbado kala duwan soo jeediyay mas’uuliyiin kala duwan kuwasoo lagu martiqaaday furitaanka Jaamacada.

Jaamacada Imaamu shaafici waxaa lagu baran doonaa Sedex Kuliyadood oo kala ah:

1-Kuliyada Quraanka Kariimka iyo culuumtiisa
2-Kuliyada Tarbiyada Islaamka
3-Kuliyada Shareeca walqaanuun

Jaamacada Imaamu Shaafici waxay kaga duwan tahay Jaamacadaha kale ee dalka iyadoo leh sedex Kuliyadood kaliya kuwaasoo dhamaantood diini ah.

Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Dr.Mahdi oo dalka dibadiisa ka yimid.Macalimiin Masaari ah oo Jaamacada wax ka dhigi doona,siyaasiyiin ay ku jiraan Xildhibaano iyo xubno ka socday wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Xildhibaanada waxaa ka mid ahaa Xldhibaan Cumar Filish,Xildhibaan Bashiir Caddow ,Xildhibaan Yuusuf Xayle,Xildhibaan Cumar (furdug) iyo sidoo kale Jen.Yuusuf Indha cadde.

Guud ahaam Mas’uuliyiintaasi waxay sheegeen in Xareunta jaamacadaan tahay meel awalba lagu baran jirey Diinta Islaamka,hadana sidoo kale lagu baranayo maadooyin diini ah.






 

- Advertisement -

Read more

Local News