‘Jabhada Soomaalida ah ee dowladda Kenya ka dhistay’ Mandheera oo lagu kacay

Mandera (Caasimada Online) – Shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku kacay ciidamo Soomaali ah oo halkaas ku sugan, kuwaasi oo horey dowladda Soomaaliya ay ugu sheegtay “jabhad ay dhistay” Kenya.

Guddoomiyaha golaha SUPKEM ee Mandera, Cabdulmajiid Khaliif Maxamed ayaa markii u horeysay shaaciyey in dacwad ka dhan wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan ay u gudbiyeen dowladda Kenya, gaar ahaan madaxweyne Kenyatta.

Cabdulmajiid ayaa sheegay in shacabka magaalada Mandera ay badankooda dalbadeen in magaalada laga saaro ciidamada uu wato Wasiir Janan, kuwaasi oo ay sheegen inay saldhigyo ka sameysteen beero ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaal duleedka magaaladaas.

Golaha muslimiinta ee Kenya ee loo soo SUPKEM laanteeda Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa iyada oo ka duuleysa arrintaasi waxay cabasho ka dhan ah Janan u gudbisay dowladda Kenya, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha.

“Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinnay maamulkana wuxuu noo sheegay inuu arrinkan madaxweynaha u gudbin doono, waxaana aaminsannahay inay codsigeena tixgelin doonan, muddo 48 saacadood gudahood ah inay Janan ka saran ayaan doonaynaa,” ayuu yiri Cabdulmajiid oo la hadlay BBC-da.

Guddoomiye Cabdulmajiid ayaa carabka ku adkeeyay inay rabaan in dowladda Kenya ay si deg deg ah uga saari doonto magaaladaas Wasiir Janan iyo ciidamadiisa oo ay ku eedeynayaan tacadiyo ka dhan ah dadka deegaanka.

Shacabka Mandera ee gudbiyay cabashada oo isugu jira cuqaal, culimo iyo haweenka magaalada ayaa si rasmi ah maanta cabashadooda u hor dhigeen mas’uulka dowladda dhexe wakiilka ugu ah deegaankaas, kaasi oo gaarsiinaya madaxweynaha Kenya.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili uu dhawaan Cabdirashiid Janan uu sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay in jabhad uu ka abaabulayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.