Jabhadda Buurta Gacan-Libaax war kasoo saartay dagaalkii cuslaa ee shalay

Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalkii xooganaa ee ay shalay la galeen ciidamada Booliska Somaliland, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeen u hadlay jabhaddan cusub oo durbo saameynteeda laga dareemay Somaliland ayaa marka hore beeniyay warbixintii kasoo baxday Somaliland, wuxuuna shaaca ka qaaday in iyagu aysan weerar qaadin, balse lagu soo duulay, kadibna ay is difaaceen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalkaas ay ku dileen ugu yaraan 25 askari, ayna ku dhaawaceen 30 kale, taas oo aad uga duwan khasaaraha ay shaacisay Somaliland. Taliyaha Booliska Somaliland ayaa horay u sheegay in dagaalkaas looga diley 9 askari, lagana dhaawacay 17 kale oo ka mid ah ciidamadooda.

Ninka u hadlay jabhadda looga dhawaaqay buurta Gacan-Libaax ayaa sidoo kale ku goodiyay in ay la dagaali doonaan cid kasta oo weerar ku soo qaadda aagga ay ku sugan yihiin.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Somaliland ay ciidamo horleh geysay aaggaas oo ay ka taagan tahay xaalad aad u dag iyo cabsi dagaal.

Dhanka kae Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa isku xirey jabhadda hubeysan iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, waxaana uu sheegay in jabhaddu ay tahay mid xiriir dhaw la leh Guddoomiyaha Waddani, oo ay u badan yihiin qaraabadiisa, sidaas darteed uu ku fashilmey in u wax ka qabto, ayuu yiri.

Cabduraxmaan Cirro oo dhankiisa soo jawaabay ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabo uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan inuu ciidamo dul dhigo jabhadda dul saaran buurta Gacan-Libaax, wuxuuna sheegay in taasi aysan keenin xalka ee loo baahan yahay in la qaado dhabo kale oo nabadeed.

“Annagu ma rumeysnin, waana ka soo horjeednaa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is maquunin” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Jabhadda Buurta Gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ee u badan beesha Garxejis Isaaq ayaa diidan muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi loo sameeyey, qabasho la’aanta doorashada iyo inaan loo sineyn Somaliland.

Burta Gacan Libaax ayaa noqoneysa furin labaad oo Somaliland ay ka dagaalameyso, horey waxaa u diidey dadka deegaanka gobolka Sool oo bishii Febaraayo ku guuleystey in ay Somaliland ka saaraan deeganadooda, waxaana ay hadda ku sugan yihiin xero ciidan oo ku dhaw Laascaanood oo ay dhufeyso ka qoteen.

Doorashooyinka Somaliland waxay ahayd in la qabto 13 November 2022, hase yeeshee Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu daray Muuse Biixi.