Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan ku u dhashay dalka Jabuuti ayaa xalay magaalada Beledweyne waxaa loogu qabtay munaasabad lagu sagootinayay si ay dib ugu laabtaan dalka Jabuuto, iyada oo soo dhaweyn loo sameeyay ciidamadii badali lahaa.
Ciidamada dowlada Jabuuti ayaa loo sagootay si heer sare ah, waxaana xaflad sagootinta ka qeyb galay maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka iyo xubno ka socday ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada Beledweyne.
Munaasada ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay ciidamo cusub oo ka socdo dalka Jabuuti kuwaasi oo badalaya ciidamada xalay sagootinta loo sameeyay.
Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan oo ka hadlay xaflada sagootinta ciidamada ayaa shegay in Jabuuti ay u taagan tahay caawinta dowlada Federaalka Soomaaliya iyo ummada Soomaaliyeed ayna dalka ku sugnaan doonaan ilaa cadowga laga xureeyo.
Hoos sawirada ka daawo


