Jabuuti oo heshay ballan qaad culus oo ay kursiga QM uga guuleysan karto Kenya

Jabuuti (Caasimaa Online) – War ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ururka uu Jabuuti ka taageerayo ololaha ay ugu jirto kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Ururka OIC ayaa u ballan qaaday dowladda Jabuuti inuu garab istaagi doono dadaalka adag ee ugu jirto kursigaas oo ay kula tartameyso dalka Kenya.

Sidoo kale ururka ayaa ka codsaday dhammaan wadamada islaamka in ay taageero buuxda u fidiyaan Jabuuti, si ay ugu guuleysato kursigaasi.

Dalalka Mareykanka, China, Japan iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageeraya dowladda Jabuuti, maaddaama ay saldhig Milatari ku leeyihiin.

Haddii 57-ka dal ee ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka ay garab istaagaan Jabuuti ayaa waxa ay kaga adkaan kartaa loolanka ay kula jirto Kenya.

Dhowaan ururka Midowga Afrika ayaa Kenya ugu codeeyay in y kursigaas ku matasho Afrika, balse Jabuuti ayaa ka biyo diiday, waxaana ay sheegtay in ay u tartami doonto.

Labada dal ayaa kursigan ku tartami doona bisha September ee soo socota marka uu furmo shirweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com