Jabuuti oo maanta diiwaan gelisay kiisaskii ugu badnaa oo cudurka Coronavirus ah

DJabuuti (Caasimada Online) – Dalka Jabuuti maanta waxaa laga diiwaan geliyay kiisaskii ugu badnaa ee cudurka Coronvirus, tan iyo markii uu dalkaas ka dilaacay xanuunkan.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa shaacisay in maanta la diiwaan geliyay 83 kiis  oo cusub, waxaana la sheegay in dadka uu soo ritay cudurkaas ay badankood kasoo jeedaan gobolka Cali-Sabiix ee dalka Jabuuti.

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurkaas ee dalkaas Jabuuti ayaa lagu sheegay warqadda kasoo baxday wasaaradda caafimaadka 298 qof, waxaana la sheegay in baaritaan la mariyey in ka badan 4,000 oo ruux.

Laba ruux ayaa la xaqiijiyey illaa hadda in dalka Jabuuti ay ugu geeriyootay cudurkan, waxaana dalka la geliyey xaalad bandow ah.

Bandowga lagu soo rogay muwaadiniinta dalkaas ayaa ku eg 28-ka bishan, iyadoo ay xusid mudantahay in waqtigii hore uu dhamaaday balse lagu kor dhiyey mudo laba toddobaad ah, kadib markii ay sii badatay khatarta cudurkaas uu ku hayo dalka Jabuuti.

Dadka danyarta ah ayaa la sheegay in uu saameyn badan ku yeeshay bandowga saran dalkaas, iyadoo ay kusoo wajahanyahay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, waxayna ka cabsi qabaan in mudada bandowga lagu sii kordhiyo, hadii khatarta cudurkan ay sii badato.