28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Jah-wareerka Jawaari: 2 go’aan oo lala yaabay uu qaatay saacado gudahood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah hay’adda sharci dejinta dalka Soomaaliya oo ay aheyd inay calaamad u noqoto ku dhaqanka sharciga, Dimuqoraadiyada iyo u hogaansanaanta sharciga dalka ayaa noqday halka laga burburinayo qarannimada Soomaaliya.

Hawlaha Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qeybaha ugu muhiimsan tahay qodobada soo socda oo :-

•Ku hogaaminta Baarlamaanka Federaalka Shuruucda dalka Soomaaliya, shuruucdaas oo ah kuwa qoran, inta badana baarlamaanada caalamkuna ku dhaqmaan, Kalsooni siinta xukuumada iyo kalsooni kala noqoshada Xukuumada ayaa ah awood baarlamaanku leeyahay, xiliga Xukuumada laga keeni karo mooshin iyo xubnaha keeni kara mooshin ka dhan ah Xukuumada ayaa ah mid qoran.

•Qeybinta , Ka doodista iyo cod u qaadista Mooshinada ka yimaada xubnaha Baarlamaanka ee kalsoonida lagala noqonayo Xukuumadda ayaa ah shaqada gudoonka Baarlamaanka.

•Awooda Guddoonka Baarlamaanka iyo Baarlamaanada Caalamka waxaa ka mid ah in xubin ama xubno kamid ah Baarlamaanka oo u hogaansami waaya Gudoomiyaha Baarlamaanka habsami u socodsiinta hawlaha Baarlamaanka inuu ka saaro aqalka baarlamaanka uuna ganaax anshax marin ah oo uusan imaan karina fadhiyada baarlamaanka go’aamiyo, xubintii u hogaansami weysa gudoomiyaha baarlamaanka amarkiisana ciidamada amniga si xoog ah uga saaraan Baarlamaanka.

Gudoonka Baarlamaanka oo ay aheyd inuu baarlamaanka ku hogaamiyo shuruucda Dalka sida Baarlamaanada caalamku u shaqeeyaan ayaa Labo jeer oo hore shirka baarlamaanka u joojiyey xubno kamid ah baarlamaanka oo buuq iyo sawaxan ku diiday in Baarlamaanka loo qeybiyo mooshin kalsooni kala noqosho xukuumadda oo si sharci ah u keeneen xubno ku dhow 140 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Somalia.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Jawaari oo shalay u qeybiyey Xildhibaanada mooshinka kalsoonida lagala noqonayo Xukuumadda xili buuq iyo sawaxan sameynayeen xubno kamid ah baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu maalinimada Axada 30/11/2014 Baarlamaanka dib isugu imaan doono si ay u bilaabaan ka doodista mooshinka si marka dooda xubnaha baarlamaanka dhamaato cod loogu qaado xukuumadda sida sharcigu yahay. Sharci hoosaadka baarlamaanka ayaa dhigaya in xubnaha baarlamaanka 5 maalin aqristaan mooshinada kadibna xubnuhu ka doodaan mooshinka, kadibna cod lagu kala baxo.

Kadib qeybintii Mooshinka ee gudoonka Baarlamaanka iyo xili uu u qabtay fadhiga ka doodista mooshinka ayaa haddana waxaa isla shalay soo baxay warqad ka hor imaaneysa shuruucda dalka iyo go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari uu ku go’aamiyey in maalinta Axada soo socota Baarlamaanku isku imaan doono, uuna bilaabi doono dooda Mooshinka, Warqada ka hor imaanaysa go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka ee shalay oo lagu sheegay inay kasoo baxday gudoonka Baarlamaanka qoraalkaas oo lagu bayaamiyey inaan mooshinka laga doodi karin inta khilaafka laga xalinayo, buuqa iyo sawaxankana laga joojiyo, Bayaanka kasoo baxay gudoonka ayaaney ku saxiixneyn Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisaba.

Qoraalka la sheegay inuu kasoo baxay Gudoonka Baarlamaanka oo ay heshay Caasimada Online ayaa waxa uu ka dhigan yahay fashil ku yimid gudoonka Baarlamaanka.

Baarlaamanada Caalamka ayaan aheyn meel lagu dhex banaan baxo, lagu joojiyo doodaha mooshinada Buuq iyo sawaxan ee waxaa lagu kala baxaa kala fikir duwanaanshaha jira qaab codeyn ah.

Sidoo kale Gudoonada Baarlamaanada caalamka ayaan ajandayaashiisu hor istaagin shaqsiyaad ka tirsan baarlamaaka oo ka baqaya in laga cod bato, xubin kasta ee u hogaamsami weysa habsami u socodka hawlaha baarlamaanka ayaa si xoog ah looga saaraa fadhiyada baarlamaanka.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubnaha Baarlamaanka ayaa haddii aysan si degdeg ah ugu noqon sharciga iyo ku kala bixista codka uusan jiri doonin Baarlamaan danbe oo shira iyo go’aan danbe oo ay gaaraanba, maadaama xubin kasta oo ku qanci waysa ajande horyaala Baarlamaanka ayaa buuq iyo diidid kala hor imaan doona in ajendahaas laga doodo go’aana laga gaaro, taas oo noqon doonta sharci-ga cusub ee Baarlamaanka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaaney jirin xuquuq siinaysa inay hor istaagaan habsami u socodsiinta Hawlaha Baarlamaanka, xubno kasta oo hor istaaga hawlaha baarlamaanka si sharciga loogu kala baxo ayey tahay in gudoonka Baarlamaanku ka saaro fadhiyada baarlamaanka isaga oo isticmaalaya Laamaha amniga dalka.

Qaabka Gudoonka Baarlamaanka u wado hawlaha Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ka dhigan inaan dalka ka jirin sharci iyo kala danbeyn. Gudoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale aan sameyn inuu ku saxo baarlamaanka awoodaha iska hor imaanaya ee Dastuurka qabyada ah siinayo Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha maadaama Baarlamaanka Federaalka Somalia yahay hayadda sharci dejinta Dalka.

Xubnaha Baarlamaanka diidan habsami u socodka hawlaha Baarlamaanka ayaa u muuqanaya kuwo taageersan Wakiilka UNSOM Somalia Mr Nicholas Kay oo horey ugu dhawaaqay inaan Xukuumada Mooshin laga keenin oo madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha wada shaqeeyaan, taas oo micnaheedu yahay Soomaaliya maahan dal xor ah oo go’aanadooda gaari kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News