Jamaal Cali Xuseen oo sheegay hal meel oo ay inkaar kaga dhacday siyaasiyiinta Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa markii u horeysay waxa uu ka sheegay in aaney jirin Somaliland la-wada laheyn, isagoona sheegay in loo baahanyahay Somaliland la wada leeyahay.

Jamaal ayaa waxa kale oo uu taageero u muujiyey Prof Cali Khaliif Galeyr oo isagu muddooyinkii udambeeyay waday olole uu ku rabo in lagu sameeyo Somaliland la wada leeyahay.

Siyaasi Jamaal, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay oo loo baahanyahay in la hirgeliyo heshiiskii uu Prof Galeyr la galay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Jamaal ayaa waxa uu arrimahaas kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan:

“‘Karis xun iyana wax ku la'” prof Cali Khaliif Galaydh waa runtii Oo weli Somaliland la wada leeyahay inay sameysanto ayaan aniga iyo dadka badankooduba ku raacsan nahay.

Si aftahanimo leh Oo macquulana wuu uga jawaabay suaalihii la weydiiyey isaga iyo prof Samatarba. Heshiiskii uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo la galay in la hirgeliyo waa muhiim. Laakiin inkaar baa kaga dhacday siyaasiyiinta Somaliland inay heshiisyada ay galaan inay hirgeliyaan.

Umaba arkaan axdi xaashi lagu qoray Oo dad ka markhaati yihiin Oo aakhiro la weydiin doono. Ma Caqli xumo ayeey ka tahay, Ma khiyaamo ayeey ka tahay. Aakhirkana iyaguun bay dhaawacda Oo kolka danbe beentooda lagu bartaa. Intee ayeey beentu si socon kartaa.

Hadaanay jireyn Somaliland la wada leeyahay, iyana wax ku la’ waana sababta aanay u jirin siyaasad cad Oo jiho leh Oo ay siyaasadeena arrimaha dibaddu raacdo. Waa siyaasad ku sheeg iska gole ka fuul ah iyo kolba nin cad Oo laysla soo sawiro.

Bal car waa kuwaase labada shakhsi ha ka faa’iideystaan prof Cali Khaliif iyo prof Axmed Ismaaciil Samatar, dawladii Siilaanyo ayaaba labadooda isku dayday inay soo dhaweyso.

Kolka siyaasadda arrimaha gudaha laga shaqeeyo ee ay ifayso ee dadka walaalaha ah ee wada nool laysku soo dhaweeyo ee wax la wada yeesho ayaa siyaasadda arimaha dibadana laga shaqayn karaa. Dal ehelu caqliga iyo ehelu cilmiga neceb meel gaadhi maayo. Karis xun iyana wax ku la”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com