James Swan oo laba arrin ku amaanay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dowladda federaalka ku amaanay labo arrin oo ay sameysay oo kala ah xoojinta sarreynta sharciga iyo dhisida hay’ado daah-furan.

James Swan ayaa sheegay in tani ay suura-gelineyso in Soomaaliya ay degdeg ku gaarto horumarka ay hiigsaneyso, isagoona ku baaqay in la adkeeyo dadaalladaasi.

Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska, James Swan ayaa waxaa looga hadlay maalinta musuq-maasuqa oo maanta ku beegan, wuxuuna madaxda dowladda ku boggaadiyey, sida ay uga go’an tahay la dagaalanka wax is dabarinta iyo sidoo kale cadaalad darrada.

Ergeyga ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu dhibaato weyn ku yahay horumarka iyo daadaallada dhisida dowladnimada.

“Musuq-maasuqa wuxuu caqabad weyn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqaa dadaallada ku aaddan dowlad dhisidda, nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta. Wuxuu baabi’iyaa kalsoonida dadweynaha wuxuuna daciifiyaa awoodda hay’adaha dowladeed ee wax u qabashada dadweynaha,” ayii yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay dhiiro-gelineyso saxiixii uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku meel mariyey hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa.

“Iyadoo taa ka duulaysa, ayaa Qaramada Midoobay waxaa aad u dhiiri-geliyay saxiixii uu dhowaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu saxiixay hindise-sharciyeedkii dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo diyaarinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa.” ayuu markale yiri James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii horumarka “Kuwani waa tallaabooyin amaan mudan oo Soomaaliya ay horay u qaadday.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhowaan ayey aheyd markii warbixin ka soo baxday hay’adda Transparency International lagu sheegay in Soomaaliya ay markale kaalinta koowaad ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, islamarkaana cabirka maamul-wanaagga ay ka heshay kaliya 10%.

Transparency International ayaa warbixinteeda sanadlaha ah ku sheegtay in weli Soomaaliya ay safka hore uga jirto wadamada uu la degay musuqa, inkastoo weli dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyada aysan ka hadlin warbixintaasi.