Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad-sugidda gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xaaladda gobolkaas, isaga oo kulan isugu yeeray bulshada rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka.
Janan ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud, amniga iyo arrimaha siyaasadda, maadaama weli ay taagan tahay xiisadda dowladda iyo Jubbaland.
Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah, Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale bulshada rayidka ah iyo waxgaradka Beledxaawo kala hadlay qorshaha la xiriira dhismaha ‘maamulka cusub’ ee la doonayo in lagu sameeyo Jubbaland taabacsan dowladda dhexe.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay la shaqeynta maamulka iyo ilaalinta nabad-gelyada guud, sida uu sheegay taliyuhu oo qoraal soo saaray kadib kulankaasi.
Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay natiijo la’aan ay soo dhammaadeen kulamo qaatay laba cisho oo dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Kismaayo iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuwaas oo ku kala kacay wada-hadallada.
Fashilka ayaa waxaa keenay kadib markii labada dhinac ay ku adkeysteen mowqifyadooda, isla markaana Madaxweyne Xasan uu dalbaday in Axmed Madoobe ka laabto doorashadii uu ku yimid, halka Axmed Madoobe uu ku gows adeegay in marka hore la aqoonsado doorashadiisa.
Dhanka kale, kulamo isdaba joog ah oo shalay galab illaa xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isaga oo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Isla xalay, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isna shir kale u qabtay xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.