25.3 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Janan oo saddex qodob kala hadlay ra’iisul wasaare Xamza

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah, waxaana maanta ay is arkeen Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Janan ayaa Ra’iisul wasaaraha kala hadlay saddex qodob oo kala ah amniga qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

“Waxaan maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, kaas oo aan kaga wada hadalnay arrimo la xiriira amniga qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay Ra’iisul wasaaraha oo uu ku amaanay, sida uu diiradda u saaray arrimaha amniga, gaar ahaan teegeerada uu siiyo hay’adaha amniga.

Cabdirashiid Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in uu sii xoojiyo howlgalka loo xilsaaray ee gobolka Gedo, si adeegga dowladda lo gaarsiiyo shacabka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha talooyinka iyo taageerada joogtada ah ee uu siiyo hay’adaha amniga, waxaana ka go’an in aan sii xoojiyo howlgalka iyo adeegga aan u hayno shacabka Soomaaliyeed iyo qarankeenna” ayuu raaciyay Taliyaha NISA ee Gedo.

Ninkan ayaa muddooyinka howlgal culus iyo howlo siyaasadeed ka waday gobolka, isaga oo dagaal uu la galay ciidanka Jubbaland uga adkaaday, kadib markii ay u firxadeen dalka Kenya.

Si kastaba, Xaaladda Gedo ayaa hadda deggan, inkastoo weli ay taagan tahay xiisadda labada dhinac oo saameyn ku yeelatay horumarka iyo nolosha shacabka gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News