Dadka qaaraa waxay qabaan in Guddoomiye Jawaari uu daciif yahay uusan cidna hogaamin karin, kaddib markii tiro SEDDAX jeer ah ay xildhibaano u soo dhar dhigteen inay u dhaqmaan si aad uga fog sharciyada u degsan barlamaanka, iyagoo u adeegaya dano shakhsi gaar ah leeyahay kaasoo raba inuu xakunka dalka xoog ku heysto, isagoo adeegsanaya dadka xishoodki iyo ixtiraamki ka dhammaaday. Falfal xumada ay ku kacaayaan mooda inay badbaadin karto Cabdiweli.
Guddoomiye Jawaari waa nin aqoon dheer u leh howlaha uu haayo, lehna khibrad ka celineysa inuu u dhaqmo sida kuwa aan kor ku sheegnay oo wax ka xaaraan ah aysan jirin. Soomaali waxay geesi u taqaan kan qeylada badan oo akhlaaq xumida adeegsada kuna faana inuu dharki soo dhigtay si uu u gaaro himilada uu leeyahay. Sababtuna waxay tahay iyagoo sharciga u degsan dalka iyo gaar ahaan Xeer-Hoosaadka Barlamaanka ay ku burburin karaan qaylo iyo sawaxan rakhiis ah oo jiilka soo socda ee ummadda somaliyeed looga sheekeyn doono markaan dunidaan ka carrawno. WAARI MEYSIDE WAR HA KAA HARO.
Dadka qaar waxay sugaayeen inuu Guddoomiye Jawaari u dhaqmo sidi iyaga oo kale, awoodiisana isticmaali doono si loo xakameeyo edebdarrada ay wax-ma-garatadu ka wadaan golaha shacabka, laakin akhlaaqdiisa caaliga ah ayaa u diiday in awoodisa oo dhan uu adeegsado, isagoo jecel inuu baajiyo dhibaato tan ay rabaan ka weyn inay meesha ka dhacdo.
Haddaba, R/Wasaare Cabdiweli wuxuu illaabay inu tiro sedda jeer ka badan uu isku beddelay Wasiiro, taliyeyaal ciidan iyo jagooyin kale iyadoo uusan marna Madaxweyne Xasan Sheikh ka hadlin markaassuu mooday inuu naqday Boqorki Somaliya wuxuu doonana sameyn karo isagoon ka tala gelin Madaxweynaha. Su’aashan haka jawaabo Cabdiweli oo ah maxaa keenay in Farax Cabdulqaadir laga wareejiyo wasaaradda uu haayo? Mase beddelkiisa wuxuu u adeegayaa dano gaar ah taasoo R/Wasaare Cabdiweli la soo faray inuu fuliyo. Marki laga horyimid isku-shaandheynta ayuu soo adeegsaday dadka aan soo tilmaannay si howsha dalka ka socota oo dhan u burburto, qaarka kalena hakad loo geliyo, laguna eedeeyo inuu ka dambeeyo Madaxweynaha.
Cabdiweli wuxuu jecel yahay inuu u muuqdo dhibbane (Victim) isagoo ah ruuxa dhibkaoo dhan u horseedaya ummadda si ay ugu fusho mu’aamarada lagu burburinaayo dowladda. Guddoomiye Jawaari wuxuu u muuqdaa nin qunyar socod ah oo jecel inuu dhibaato kasta ku dhammeeyo isfaham iyo wada xaajood.
Waxaan rabaa inaan xasuusiyo, Guddoomiye Jawaari, haddii arrintaani ay sidaas ku hirgasho inay shaqadi barlamaanka halkaas ku dhammaatay, ciddi mooshin keentana, wuxuu doona ha ahaadee, ama ajendooyinka la soo wado iyo mashaariicda oo dhan ay sidaas ku fashilmi doonaan haddaan si dhaqso ah oo sharciga waafaqsan wax looga qaban. Ogaaw Jawaari in dalka oo dhan uu khatar ku jiro haddaan Cabdiweli Sheikh iyo dadka qaska wada wax looga qaban si deg-deg ah.
Guddoomiye Jawaari wax waliba maanta waxay ku jiraan gacantaada ee go’aan gesinnimo qaado sharcigana fuli adigoon cidna u aaba yeelin ama ka cabsan.
CABDIWELI IYO XULUFADIISA WAXAY KU SOO BEXEEN CADAWGA UGU WEYN AY SOMALI LEEDAHAY MAANTA WAANA BURBURIYAASHA QARANKA, WAANA FULIYAY WIXI LA SOO FARAY OO AHAYD IN LAGU KALA TAGO MEESHA!!!
SHACABKU WAA INAY KACAAN KANA HORTAGAAN WAXA KU SOO SOCDA!!!
W/Q: Axmad Calasow
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid