JAWAARI oo ka hadlay SIRTA ku hoos duugan dhismaha baarlamanka cusub & qaadashada 4.5

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulamo gaar gaar ah la leh Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu si gaar ah uga warbixiyay qorshaha cusub oo ay Dowladu kusoo xuli doonto Baarlamaanka cusub iyo dhibta looga gudbi doono aaminaanshiyaha nidaamka 4.5.

Jawaari waxa uu sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in qabiil gaar ah uusan ku hamin sad bursi, waxa uuna taasi ku micneeyay in Beelaha qaar ay u tartamayaan inay ka xilal badnaadan Beelaha qaar.

Jawaari oo xubnaha Beesha Caalamka ku qancinaaya rabitaanka Dowlada, ayaa waxa uu sheegay in Somalia aysan ka bixi doonin nidaamkaasi, waxa uuna tilmaamay in meesha ay ka baxday kalsoonida, sidaa aawgeedna ay adag tahay in laga gudbo 4.5.

Waxa uu sheegay in qorshaha Dowladu tahay in Baarlamaanka cusub ee lasoo dhisaayo ay wax ku qeybin doonaan sida horay wax loogu qeybsaday, waxa uuna farta ku goday in Beeluhu ay raali ku yihiin qaabkaasi.

Waxa uu intaa raaciyay in qorshuhu uusan waxba iska bedeli doonin kaliya ay Dowladu la fadhiisan doonto Nabadoonada Beelaha sidaana ay kusoo xulan doonaan kuwa iyaga matali lahaa.

Jawaari waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa in Xubnaha cusub ee badeli doona kuwa hadda haya xilka Baarlamaan lagu soo xuli doono da’da si ay u noqdaan Xildhibaano wada dhalinyaro ah.

4.5 ayuu sheegay in Dowladu ay aaminsan tahay sababtuna ay tahay ku raali ahaanshiyaha Beelaha Soomaaliyeed, balse ay ka fakari doonaan qaabka ugu sahlan ee looga gudbaayo.

Docda kale, waxa uu ballanqaaday Jawaari in jawiga uu ahaan doono mid aan waxba iska bedelin oo kusii socdo qaabka iminka ay wax u socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com