24.9 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Jawaari oo ka hadlay talaabooyinka ay ilaa hadda qaaden

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixiyeen diyaarinta doorashada heerka Madaxweyne iyo howlaha qabyada u ah Guddiga doorashooyinka.

Jawaari, ayaa sheegay in kala bar howlaha doorashada Madaxweynaha ay qabteen, kaliya ay iminka u harsan tahay in Musharaxiinta laga dhageysto khudbadaha iyo inay kasoo muuqdaan Telefeshinada si shacabka ay uga hor cadeeyan waxqabadkooda.

Jawaari waxa uu tilmaamay in howlaha u harsan Guddiga doorashada ay aad u adag tahay, isla markaana inta la qabtay ay tahay inta ugu sahlaneyd, waxa uuna meesha ka saaray suuragalnimada in laga caajiso qeybta harsan.

”Howlaha doorashada waxaan u kala saarnay laba qeyb, qeybta koowaad waan kasoo gudubnay, waxaa inoo haray qeybta labaad oo ka adag qeybta koowaad, waxaan ku raja weynahay in qeybta harsan aan ku dhameyn doono wakhtiga loogu tallo galay”

”Waxa ugu adkaan doona waa qeybta doorashada waxaan awoodeena isugu geyn doonaa inaan ka dhabeyno Jadwalka waayo waxaa sii kordhaaya qeyla dhaanta maadaama wakhti badan uu horay usoo lumay”

Jawaari ayaa ballanqaaday inaan laga dib dhici doonin Jadwalka doorashada wax waliba oo dhaca, waxa uuna farta ku goday in Musharaxiinta aan wali is diiwaangalin ay u furantahay inay la imaadaan Tanaasul.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Jawaari ayaa ka hor imaaday dalab ka imaaday qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kaa oo ku aadan in la dib dhigo doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News