25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

JAWAARI oo shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan dasturka oo aan horey loo ogeyn & xaqii banaanka usoo baxday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, ayaa looga jawaabey eedeymo ku saabsanaa in wax laga badaley dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, eedeymahaas ayaa ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu sheegey in mudanayaasha baarlamanka iyo hogaankiisaba ay ka war hayaan in qodobada qaar ee dastuurka ay is burinayaan ama iska hor imaanayaan sidaas aawadeedna ay u saareen guddi dib u eegis ku sameeya, guddigan ayaa la sheegay in la magacaabay bishii June 6 deedii, guddigaas ayaa dadweynaha u soo bandhigi doona marka ay howshooda soo gabgabeeyaan.

Waxaa kale oo waxba kama jiraan uu ku tilmaamey war saxafadeedkan in nuqulkii ugu danbeeyey ee dastuurka KMG ah lagu ansixiyey kulankii Addis Ababa ka dhacay bishii May ee sanadkii 2012ka, iyadoo uu qoraalkani sheegayo in shirkaas uu ka danbeeyey mid kale oo bishii June ka dhacay magaalada Nairobi oo ay dowladdii xiligaas jirtay iyo maamulka Puntlandba ay wakiilo ku lahaayeen guddigaas farsamo, guddigaas ayaa lagu sheegey war saxaafadeedkan in lagu magacaabay xeer madaxweyne iyagana ay u gudbiyeen guddigii ansixinta dastuurka.

Waxaa qoraalkaas lagu sheegay in maamulada dalka ka jira heer walba oo ay yihiin aysan wax howl ah ku laheyn dastuurka federaalka Soomaaliya, iyadoo marka ugu danbeysa dastuurkan afti dadweyne loo qaadi doono, isla-markaana ay dadweynahu yihiin kuwa iska leh go’aanka ugu danbeeya ee dastuurkan.

Jawaari ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ahaa oo ku saabsan dastuurka, kuwaasi oo aysan dad badan ka warheyn, sida inta saxiix ee uu soo maray dastuurka iyo dhacdooyin kale oo badan.

Halkan ka aqriso Warsaxaafdeed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News