26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Jawaari oo ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa xilka guddoonka BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhow shaaca ka qaaday inuu yahay Musharaxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS.

Jawaari oo goordhow magaalada Muqdisho kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay inuu yahay Musharax waxa uuna tilmaamay inuu diyaar u yahay isbedel muuqda.

Jawaari waxa uu tilmaamay in xiliga la joogo uu u baahan yahay codadka Xildhibaanada waxa uuna ballanqaaday inuu la imaan doono isbedel ka duwan kii hore.

“Waxaa iga go’an inaan muujiyo kalsooni ay ku qancaan Xildhibaanada taa bedelkeeda waxaan cod sanayaa in la isiiyo codka”.

Jawaari waxa uu ku celcelshay in Xildhibaanada ay siiyaan codadka si Afarta sano ee soo socta uu u Hogaamiyo Baarlamaanka Somalia.

Haddalka Jawaari ayaa imaanaya xili Xarunta Golaha Shacabka ay ku qulqulayaan Musharaxiin dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News