Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa si adag uga hadlay warar labadii maalin ee ugu danbeysay ay isla dhexmarayeen dadka Soomaaliyeed.
Jawaari waxa uu sheegay in shacabku ay ka hordhaceen Dowlada, gaar ahaan Guddiyada Doorashooyinka, kuwaa oo faafiyay in Doorashada ay suuragaltahay inay ka dib dhacdo xiligeeda.
Jawaari waxa uuna tilmaamay in Doorashada ay xiligeeda ku dhici doonto, waxa uuna cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhowr jeer soo baaqatay, hayeeshee aysan mardanbe dib dhici doonin.
”Doorashada waxa ay kasoo daashay dib udhacyo, waxaan ku dadaaleynaa in wakhti danbe aan laga dib dhicin doorashada Madaxweynaha”
”Dadka shacabka ah aad ayay ugu jahwareereen Doorashada waxaan halkaani ka cadeynayaa inaanu dhici doonin dib dhac danbe”
Jawaari ayaa sheegay in Doorahsada Guddoonka Aqalka Sare kadib la sameyn doono Guddi Baarlamaani ah oo ka kooban 2 Aqal, kaasi oo ka shaqeyn doona Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddigaani la sameyn doono ayuu sheegay in Baarlamaanka ka hor sheegi doonaan xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha, cid kale oo gaari kartana aysan jirin.
Dhinaca kale, suuragalnimada Dib u dhaca Doorashada ayaa waxaa go’aan ka gaari doona Guddiga uu sheegay Mr Jawaari in la sameyn doono, waxaana mar waliba suuragal ah in Doorashada ay dib u dhacdo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com